Home Wararka Maanta Soomaaliland oo ku Farxaday Soona Dhawaysay Warsaxafadeed Kasoo Baxay Maraykanka

Soomaaliland oo ku Farxaday Soona Dhawaysay Warsaxafadeed Kasoo Baxay Maraykanka

0

WAR-SAXAAFADEED KA SOO BAXAY MADAXTOOYADA SOMALILAND

Go’aan Taariikhi Ah Oo Ka Soo Baxay Guddiyada Labada Aqalka Ee Congress-ka Maraykanka Oo Daba-socda Dedaaladii Madaxweyne Biixi U Tegay USA.

Washington DC-07-12-2022-()-Maanta waxay Guddiyada labada Aqalka ee Congress-ka Maraykanka u qaabilsan Adeegga Ciidamadu ay baahiyeen qoraalkii ugu dambaeeyey ee Oggolaanshaha Difaaca Qaranka (NDAA) ee  misaaniyad sannadeedka 2023.

Waxaa ka mid ah farriin taariikhiya oo ku jirta qaybta 1,275 oo dardar-galinaysa in la helo iskaashi adag oo Maraykanka iyo Somaliland ah dhexmara.

Halkan ka akhri waxa uu Xeerka Oggolaanshaha Difaaca Qaranka ka yidhi Somaliland:-

  1. Wuxuu amrayaa; in Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Waaxda Difaaca ee Mareykanka iyo USAID inay Congress-ka u soo gudbiyaan warbixin sannadle ah oo ay ku faahfaahiyaan kaalmada, wada shaqaynta diblomaasiyadeed iyo amni ee Somaliland.
  2. Wuxuu amrayaa; Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Waaxda Difaaca ee Mareykanka inay soo saaraan daraasad ugu dambayn bisha Juun 2023 oo ku saabsan fursadaha kor loogu qaadayo iskaashiga amniga ee u dhexeeya Maraykanka iyo Somaliland.
  3. Wuxu si cad u kala soocay Somaliland iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Soomaaliya.

Waxa xusid mudan in tallaabadan ay qaybo aqalka labadiisa dhinac ahi isla handaafiyeen, in ay furtey waddo cusub oo u fududeyneysaa in ay si ballaadhan u wada shaqeeyan Maraykanka iyo Somaliland.

Hadaba Sidee ayaan halkan ku soo gaadhnay?

  1. Wada-hadal joogto ah oo mihnad leh oo aynu la yeelanayno labada dhinac ee Dimoqraadiga iyo Jamhuuriga, kuwaas oo lagu qanciyay mudnaanta waxaynu doodayno.
  2. Xeerka iskaashiga Somaliland ee labada geesoodka ah (S.3861), oo bishii March ay soo dejiyeen @SenatorRisch @ChrisVanHollen iyo @SenatorRounds, kuna biiray @SenatorWicker ka hor inta aanay Guddida Xidhiidhka Dibadda ee Guurtida u ansixin bishii June. Somaliland si aad ah ayay ugu mahadnaqayaan dhamaantood, gaar ahaana @SenatorRisch iyo hoggaanka uu muujiyey, inay bilaabeen dedaalkii lagu aqoonsanayo qiimaha Somaliland in ay Maraykanka u noqon karto saaxiib istiraatiijiya
  3. Wax ka bedel uu sameeyay Rep. Chris Smith oo lagu daray Xeerka Oggolaanshaha Difaaca Qaranka oo aqlabiyaduhu ogolaadeen. Waxaan si mug leh ugu mahadcelinaynaa hoggaaminta mudada dheer ee Rep. Smith muujiyey si loo hormariyo xidhiidhka Maraykanka iyo Somaliland.
  4. Dedaal guuleystay oo u sameeyay @RepVeasey, oo luuqadda warbixinta ku soo jeediyay hagitaankii Guddiga Aqalka Sare ee Adeegyada Qalabka Sida oo ku amraya @DeptofDefense in la sahamiyo meelaha uu ka dhalan karo iskaashiga amniga ee suurtagalka ah.

Maxaa xiga? Ka dib markii ay Xeerka Oggolaanshaha Difaaca Qaranka meel mariyeen Goleyaasha Wakiillada iyo Guurtida, waxa uu tegi doonaa miiska Madaxwaynaha Maraykanka si uu u saxeexo oo ay sharci u noqoto. Marka la saxeexo, Xeerka Oggolaanshaha Difaaca Qaranka waxay noqon doontaa tixraaca koowaad ee Somaliland ee ka tirsan xeerka Maraykanka tan iyo intii aan xornimadeenii dib u soo ceshanay 1991-kii.

Muwaadiniinta reer Somaliland, oo badankoodu taageeran Maraykanka, saaxiibo iyo qoysasna ku leeyihiin Maraykanka, waxay muddo dheer sugayeen aqoonsi noocaas ah oo ay ka helaan Maraylanka. Xeerka Oggolaanshaha Difaaca Qaranka wuxu si weyn u horumarinayaa iskaashiga Somaliland ee ay la leedahay Maraykanka. Maanta waxaynu dhignay taariikh lama ilaawaan ah oo baal dahab ah ka geli doona xasuusaha taariikhda galay.

DHAMMAAD

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleQaar ka mid ah shacabka ku nool xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ayaa ku ammaanay Axmed Rashiid inuu si wanaagsan wax uga qabtay amni darrada jirtay, gaar ahaan xilliyada Dacwad lagu soo oogay
Next articleMadaxweyne Qoor Qoor oo la Kulmay Ismaaciil Cumar Geele Xili Uu Ka Qaybgalaayo arooska Saadaq Joon(Sawiro)