Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa inuu maanta soo gaaro magaalada Muqdisho, sida ay ilo-wareedyo u xaqiijiyeen mudug24
Sida aan xogta ku helnay safarkan, oo uu Deni kaga jawaabayo casuumad uga timid madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayey aheyd inuu shalay ku yimaado Muqdisho, balse wuuu baaqday.Â
Safarka Deni ayaa ka dambeeyey kadib markii madaxweynaha Puntland uu shirkii Khamiista ee golaha wasiirada Puntland aad ugu dhaleeceeyey siyaasadda madaxweyne Xasan Sheekh uu ku wado dalka. Waxa uu sidoo kale weeraray ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.
Deni ayaa golihiisa wasiirada kula dardaarmey inaysan jiri doonin wax wada shaqeyn ah oo ay la yeelanayaan dowladda federaalka, tan iyo inta uu wax meel la dhigaayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Khilaafkan ayaa salka ku haya magacaabidda saraakiil hoggaamin lahayd amniga ciidamada dowladda federaalka oo ka soo jeeda Puntland, waxaana Deni uu ku doodayaa in la qaato kuwa isagu ku taliyo, intii dowladda federaalka ay Puntland ka xulan laheyd cidda ay doonto.Â
Ma cadda waxa madaxweyne Deni uu ka helaayo taliyeyaal amniga loo magacaabayo oo aan siyaasadda ku jirin.
Saciid Deni ayaa ka caraysnaa madaxweyne Xasan Sheekh tan iyo markii uu xilka ra’iisul wasaaraha dhaafsiiyey Puntland, oo uu magacaabay Xamza Cabdi Barre.Â
Si kastaba, khilaafkaas ayaa la sheegay in markii dambe la xaliyey kadib markii wiil uu dhalay Deni xil laga siiyey dowladda federaalka, sidoo kalena xilal kale loogu daray, balse sida muuqata Deni wuxuu doonayaa xilal kale oo dheeri ah.