Home Wararka Maanta Guddoomiye aadan Maoobe oo loo gudbiyey Mooshin deg-deg ah

Guddoomiye aadan Maoobe oo loo gudbiyey Mooshin deg-deg ah

0

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta ku guuleystay inay gudbiyaan Mooshin deg deg ah ku aadan xaaladda dalka, gaar ahaan  amniga guud ee waddanka oo haatan maraya meeshii ugu xumeyd.

Illaa 22 Xildhibaan ayaa saxiixay Mooshinkan, kuwaas oo ku dooday inay muhiim tahay in laga hadlo amniga dalka, maadaama xaaladda waddanka ay mareyso meel halis ah.

Ajendaha kulanka aya markii hore ahaa Akhrinta 1aad ee Hindise Sharciyeedka Korontada, kaas oo ay Xildhibaanadu dalbadeen in dib loo dhigo, si looga hadlo amniga guud.

Ugu horreyn Xildhibaanada ayaa cod gacan taag ku ogolaaday in ajendaha kulanka lagu soo daro ka doodista Mooshinkan oo ay soo gudbiyeen qaar ka mid ah xubnaha Golaha.

Illaa 44 xildhibaan ayaa ogolaatay Mooshinka, kuwaas oo u codeeyey in laga doodo, waxaan diiday 1 mudane, mana jiro wax ka aamusay, sida uu ku dhawaaqay guddoonka.

“Annaga meeshaan inaan Koronto ka hadalno uma imaan amnigeena ayaanan meel ku ogeyn wax badanbaa naga qaldan” ayuu yiri mid kamid ah xubnaha gudbiyey Mooshinka.

“Waa dambi la in baaro gaadiidka Xildhibaanada” ayuu ka dhex yiri kulanka Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

“Askarta waxa ay ku leeyihiin aniga oo Xildhibaan ah xiriir sameey, yaa xiriir la sameynaa?” ayuu isna yiri Xildhibaan Murjaan oo ka tirsan Golaha Shacabka.

Mooshinka Xildhibaanada ayaa imanaya xili maalmihii u dambeeyey ay magaalada Muqdisho ka dhacayeen weeraro qaraxyo ah iyo dilal qorsheysan.

Doonyo Hub u siday Kooxda Shabaab oo lagu bur-briyay Duqeymo Cirka ah

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni

Dowlada Somaliya oo Sheegtay in 35 Xubnood onShabaab ah lagu dilay Hawlgal ka Dhacay Gobolka Bay

In ka badan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Ciidanka Dowlada oo Kaashanaya kuwa Mareykanka oo Duqeyma ka geestay Aadan Yabaal

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay duqeyn culus oo Xalay fiidkii lagula eegtay gudaha degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab. Howlgalkaan

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka hadlay Dagaalka Aadan Yabaal ee Ciidanka Dowlada looga saaray

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa si faahfaahsan uga hadlay dagaalka dowladiisa kula jirto kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqday

Ciidanka Dowlada iyo Kuwa Koonfur Galbeed oo Shabaab kula Dagaalamay Duleedka Baydhabo

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay gaar ahaan degaanka Burjeedka waxa uu dagaal culus ah ku dhex maray Ciidamada Militeriga Soomaaliya iyo kuwa Daraawishta Koonfur Galbeed oo
Ad
Previous articleGalmudug oo ka Hadashay Afduubkii Ka Dhacay Caabudwaaq Amarna Siisay Ciidamada Amaanka Galmudug
Next articleBasaboorka Sweden oo la Adkeenayo Sida uu sheegay Booliska