Warsaxaafadeed goordhaw kasoo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in 40 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay tiro kalana waa lagu dhaawacay howlgal qorshaysan oo ka dhacay deegaanka Cali Fooldheere oo hoos taga degmada Mahadaay.
Howlgalka oo ay fuliyeen ciidanka xoogga dalka iyo kuwa sirdoonka iyo nabad sugida Soomaaliya ayaa la sheegya in lagu bartilmaameedasay xubnahan katirsan Al Shabaab oo la sheegay in ay isku abaabulayeen dhulka keymaha ah ee ku yaala deegaankaan.
Dowladda Soomaaliya ayaana u mahadcelisay shacabka Soomaaliyeed qaybta ka ah dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab iyo saaxiibada caalamiga ah oo ku garab taagan dowladda dagaalkaan ay Al Shabaab kula jirto.
Ad