Home Wararka Maanta Dil Goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Ninkii geestay oo gacanta lagu...

Dil Goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Ninkii geestay oo gacanta lagu dhigay

0

Nin hubeesan oo la tilmaamay in uu burcad ahaa ayaa saakay aroortii hore magaalada Muqdisho ku dilay nin shacab ah oo kamid ahaa darawalada kaxeeya gaadiidka xamuulka ka qaada dekadda Muqdisho.

Sida aan wararka ku helnay ninka hubeesan oo doonayay in uu dhac u geesto ninka shacabka ah ayaa dilay , waxaana dilkaasi ka dhacay meel aan sidaa uga fogeyn dekadda magaalada Muqdisho.

Ciidamada booliiska Soomaaliya oo ku sugnaa aaga uu dilku ka dhacay ayaa si degdeg ah gacanta ugu dhigay ninka dilka geestay, waxaana dilaaga iyo marxuumkii uu dilay oo lagu magacaabayay Yuusuf Muumin Axmed la isla geeyay xarunta CID-da.

Sargaal katirsan booliiska ayaa sheegay in ciidamada gacanta ku hayaa ninka dilka geestay, waxa uuna sheegay in baaritaan lagu sameenayo ninkan ayna si degdeg ah maxkamad loo geyn doono.

Magaalada Muqdisho waxaa dilal ka geesta kooxo burcad hubeesan oo qaarkood xiran dareeska ciidamada , burcadan ayaana si joogta ah dadka ugu beegsada xaafadaha Muqdisho iyaga oo adeegsanaya mootooyinka loo yaqaab bajaajta iyo Fekon.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleMaraykanka Oo Saxiixay Heshiis Hub Lagaga Iibinayo Dowlada Qatar.
Next articleMadaxweyne Qoor Qoor oo Gaaray Degmada Baxdo Xili uu joogsaday Howlgalkii Alshabaab lagula Dagaalamayay