Home Wararka Maanta Nin Hubaysan oo Ka Tirsanaa Alshabaab oo Gudaha U Galay Xero Ciidamada...

Nin Hubaysan oo Ka Tirsanaa Alshabaab oo Gudaha U Galay Xero Ciidamada Kenya Daganayeen Askarna Ku laayay

0

Nin hubeysan ayaa gudahau galay saldhig militari oo ciidamada Kenya ay ku leeyihiin gobolka Jubbada Hoose, wuxuu dilay ugu yaraan saddex askari, sida ay xaqiijiyeen militariga Kenya.

Ninkan hubeysan ayaa rasaas oodda ka qaaday, wuxuuna sidoo kale dhaawacay shan askari oo kale, kahor inta aan isaga la dilin, sida uu sarkaal militari oo codsaday inaan la magacaabin u sheegay wakaaladda wararka ee AP.

Weerarkan ayaa ka dhacay saldhig ay Kenyan-ka ku magacaabeen Sarira Forward oo ku yaalla Jubada Hoose, gaar ahaan meel ku dhow xuduudda Kenya.

Kooxda Al-Shabaa ayaa warbaahinteeda ku sheegatay inay fulisay weerarkan, balse ma shaacin khasaaraha.

“Waxaan aaminsannahay in ninka hubeysan uu muddo tijaabinayay weerar noocan oo kale ah. Waa inaan taxaddar badan muujinaa oo feejignaanaa,” ayuu yiri sarkaalka ka tirsan ciidamada Kenya.

“Innaga oo ku dhowaaneynaa dabaal-dagyada dhammaadka sanadka, waxaan u baahannahay inaan aad uga feejignaano agagaarkeena. Khatarta argagixisanimo weli waa mid baahsan, waana in la qaadaa tallaabo kasta oo lagu xakameynayo qorshahooda.”

Illaa iyo hadda ma cadda sida hal nin oo hubeysan oo Al-Shabaab ah ay ugu suurta-gashay inuu galo xero ciidan, islamarkaana ku dilo askar Kenyan ah.

Waa weerarkii labaad oo laba maalin oo isku xiga ay Al-Shabaab ku qaadaan Kenyanka. Al-Shabaab ayaa sidoo kale Axaddii weerartay saldhig boolis oo ku yaalla magaalada Mandheera kahor inta aan la iska cabin.

Doonyo Hub u siday Kooxda Shabaab oo lagu bur-briyay Duqeymo Cirka ah

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni

Dowlada Somaliya oo Sheegtay in 35 Xubnood onShabaab ah lagu dilay Hawlgal ka Dhacay Gobolka Bay

In ka badan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Ciidanka Dowlada oo Kaashanaya kuwa Mareykanka oo Duqeyma ka geestay Aadan Yabaal

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay duqeyn culus oo Xalay fiidkii lagula eegtay gudaha degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab. Howlgalkaan

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka hadlay Dagaalka Aadan Yabaal ee Ciidanka Dowlada looga saaray

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa si faahfaahsan uga hadlay dagaalka dowladiisa kula jirto kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqday

Ciidanka Dowlada iyo Kuwa Koonfur Galbeed oo Shabaab kula Dagaalamay Duleedka Baydhabo

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay gaar ahaan degaanka Burjeedka waxa uu dagaal culus ah ku dhex maray Ciidamada Militeriga Soomaaliya iyo kuwa Daraawishta Koonfur Galbeed oo
Ad
Previous articleGuddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Safiirka cusub ee Imaaraadka (Sawirro)
Next articleXildhibaan Jeesow oo war ka soo saaray kulankii beeshiisa iyo madaxweyne Xasan