Home Wararka Maanta Al-Shabaab oo Canshuurta Ganacsatada Soomaalida ugu qaado xafiisyo u dhow Villa Somalia

Al-Shabaab oo Canshuurta Ganacsatada Soomaalida ugu qaado xafiisyo u dhow Villa Somalia

0

Qaar kamid ah Ganacsatada Muqdisho ayaa shaaciyay inaysan weli waxba iska bedelin lacagihii canshuuraha ahaa ee Al-Shabaab ka qaadi jirtay, xili ay dowladda federaalka Soomaaliya soo saartay go’aan mamnuucaya bixinta lacagahaasi.

Ganacsatada xoolaha qaarkood ayaa VOA la wadaagay dukumtiyo muujinaya in lacagihii Khawaarijta ay sidooda uga qaadan, maadama aysan weli jirin qorshe dhab ah oo dowladda ku wajaheyso arrintaan.

Ganacsatada la hadashay VOA ayaa sidoo kale shaaciyay in xafiisyo ku yaalla Muqdisho gudaheeda oo qaarkood ku yaalla meelo u dhow Villa Somalia ay Al-Shabaabka lacagta uga qaadaan.

“Lacagihii nagala qaadi jiray waxba iskama badalin tan iyo markii dowladda ay sheegtay in la joojiyo lacagaha la siiyo Al-Shabaab. Waxaa dhibaato kala kulana isbaaro u taalla Al-Shabaab deegaanka Buqda ee gobolka Hiiraan, haddii aan warqad ka wadan Dallada Dhoofinta Xoolaha kama gudbi karno isbaaradaas oo 40KM u jirta deegaanka Buulo-Burte,” ayuu yiri Ganacsade codkiisa iyo xogtiisa ay qarisay VOA oo la hadlay.

“Neefkii waxay Al-Shabaab ka qaada $10, halka Dallada ay ka qaado $4, taasi oo ku wada qoran waraaqda Dallada ay bixiso. Waxaa intaas dheer lacagaha zakada oo ah $25 sanadkii.”

Sidoo kale waxa uu ku eedeeyay Dallada inay Al-Shabaab ku wargeliso haddii aysan ganacsatada bixin lacagtaas, inkasta oo arruntaas uu beeniyay masuul ka tirsan Dallada oo ay la xiriirtay. VOA.

Arrintaan ayaa sii xoojinaysa walaaca laga qabo in Al-Shabaab ay shaatiyo kala duwan u adeegsato qaadista canshuuraha ay ka qaadan Ganacsatada Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxay kusoo aadeysa xili dowladda federaalka Soomaaliya ay wali wado dadaalo ku dooneyso inay ku joojiso ama ugu yaraan ku dhinto dhaqaalaha ay Al-Shabaab ka qaadaan ganacsatada.

Dowladda ayaa hore ugu tilmaamtay lacagaha laga qaado ganacsatada mid baad ah oo dhibaato loogu geysto shacabka Soomaaliyeed, ayada oo ku hanjabtay inay sharciga horgeyn doonto cidda ay ku cadaato arrintaas ee u fududeysa argagixisada.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleGudoomiye Cali Jayte oo shaaciyey qorshe cusub oo dagaalka Al-Shabaab lagu wajahayo
Next articleWasaarada Shaqada Iyo Shaqaalaha DF oo joojisay Shaqaalihi Soomalida ee Dibada loo dhoofin jiray