Home Wararka Maanta laftagareen oo lagu eedeeyey inuu Doorasho Ka Qabto Koonfurgalbeed

laftagareen oo lagu eedeeyey inuu Doorasho Ka Qabto Koonfurgalbeed

0

Wasiirkii hore ee wasaaradda waxbarashada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdiraxmaan Cismaan Malaaq ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee maamulkaasi, xilli haatan la isku hayo qabashada doorashada.

Cabdiraxmaan Cismaan oo wareysi siiyey Telefishinka Universal ayaa eedeymo culus u jeediyey Lafta Gareen, isaga oo sheegay inuu kasii dhamaanayo muddo xileedka.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in weli uusan u diyaar garoobun in la qabto doorashada hoggaanka guud ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

“Maamulka Koonfur Galbeed waa xilligii rasmiga ahaa ee muddo xileedkii doorashada waqtigeeda waa la loogaa, maadaama madaxweynaha waqtiga kasii dhamaanayo Cabdicasiis Lafta Gareen oo u diyaar garoobin in doorasho la qabto,” ayuu yiri Malaaq.

Wasiirkii hore ee waxbarashada Koonfur Galbeed oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in madaxweynaha uu hareer maray dastuurka, islamarkaana uu sameystay muddo kororsi.

“Wuxuu rabaab inuu sii joogo muddo kororsi isaga jeebkiisa ah sameysto, dastuurkana waxa uu qabanaa 4 sano inuu ku egtahay muddo xileedka rasmiga ah,” ayuu raaciyey.

“10 xubnood ayaa hadda u xiran waxaana si sharci darro loogu xiray Baydhabo. Xorriyatul Qowl ma jiro,” ayuu markale yiri wasiirkii hore ee waxbarashada Koonfur Galbeed.

Xaaladda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ah mid aad u kacsan, waxaana taagan xiisad u dhexeyso madaxweynaha iyo mucaaradka oo isku hayo arrinta doorashada.

Kulan Dhexmaray Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Dhigiisa Jabuuti Ismail:- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga

Israel oo Duqeymo ka geysatay Saldhigyo uu la Wareegayo Turkiga

Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa fuliyey in ka badan 15 duqeyn oo lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Hama, taasoo socotay xalay qiyaastii saacad iyo bar. Afhayeenka ciidamada Israa’iil ayaa sheegay

Warar laga helayo dagaal culus oo ka socda Galbeedka gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu haatan dagaal beeleed xoogan uu ka socdo inta u dhaxeysa deegaanada Jiicboor iyo Saax qurun oo dhaca Galbeedka gobolka Mudug. Dagaalkaan oo

Maamulka Koonfur Galbeed oo soo bandhigtay xubno kasoo baxsaday Kooxda Al shabaab

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Afar Xubnood oo katirsanaa Kooxda Al shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada Booliiska Gaar ahaan laanta Baarista Dembiyada CID-da ee Gobolka Bay.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay
Ad
Previous articleCiidamada Danab oo howlgal ku burbriyey saldhigyo ay lahaayeen Shabaab
Next articleSweden oo Nidaamka Liidka Diyaaradaha ugu deeqday Ukraine