Home Wararka Maanta Soomaalida ku nool dalka Canada ayaa dalbanaya inay caddaalad hesho gabar Soomaali...

Soomaalida ku nool dalka Canada ayaa dalbanaya inay caddaalad hesho gabar Soomaali ah oo Shantii bishan lagu dilay magaalada Saskatoon ee dalkaasi Canada.

0

Soomaalida ku nool dalka Canada ayaa dalbanaya inay caddaalad hesho gabar Soomaali ah oo Shantii bishan lagu dilay magaalada Saskatoon ee dalkaasi Canada.

Gabadha Soomaalida ah ee la dilay oo lagu magacaabi jiray Hodan Xaashi oo 23 jir eheyd waxaa dilkeeda ka danbeysay gabar u dhalatay dalkaasi, iyadoo dilkeeda u adeegsatay sheey la garan la’ yahay oo ay dhuunta uga dhufatay, taasoo dhiig badan ka keentay.

Qofka lagu eedeeyay dilka ayaa markii dambe dammaanad lagu sii daayay, taasoo ka careysiisay bulshada Soomaalida oo hadda qorsheynaya dibad bax ay caddaalad ku dalbanayaan.

19-ka bishan oo Sabtida ku beegan ayaa loo balansan yahay isu soo bax weyn oo duco iyo cadaalad u raadinta Hodan Xaashi ah, iyadoo dowladda Canada wali aysan wax war ah ka soo saarin kiiskan.

Hodan Xaashi ayaa ku dhalatay magaalada Ottawa ee dalkaasi Canada, iyadoo danbiilaha dilkaasi loo heysto lagu sii daayay damaanad lacag Shan kun oo doolar ah, iyadoo arrintaasi ay tahay mida bulshada Soomaalida ka careysiisay

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleabaabul ka Dhan ah Alshabaab oo Ka Bilowday Shabeelada Hoose
Next articleBooliska Soomaaliland oo War kasoo saaray Qarax La Sheegay inuu Xalay Ka Dhacay Hargaysa