Home Wararka Somaliya Somaliland Booliska Soomaaliland oo War kasoo saaray Qarax La Sheegay inuu Xalay Ka...

Booliska Soomaaliland oo War kasoo saaray Qarax La Sheegay inuu Xalay Ka Dhacay Hargaysa

0

Booliska Somaliland ayaa ka horyimid warar xalay si weyn loogu baahiyey baraha bulshada ee Internet-ka kuwaas oo sheegayey in qarax uu ka dhacay  gudaha magaalada Hargeysa ee caasimada maamulkaasi.

Booliska ayaa beeniyey warkaasi, waxaana qoraal uu soo saaray taliska lagu sheegay in jugta la maqlay ay aheyd taayar ku qarxay agagaarka Dahabshiil.

“Taliska guud ee ciidamada Booliska Jamhuuriyada Somaliland Waxa uu cadaynayaa inaanay Jirin Wax Qarax ah oo ka Dhacay Gudaha Magaalada Hargeisa ee caasimada Somaliland. Waxaanu Bulshada u Cadaynaynaa in Agagaarka Dahabshiil Gargaar Agteeda Banjarle Ama Goomayste Ku Yaala oo banjarinaya Tayir ay Wax isaga uun ku kooban oo sameeyay Qarax yar dhaceen,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Booliska Somaliland.

Sidoo kale wuxuu Boolisku intaasi ku daray in laba qof ay ku dhaawacmeen dhacdadaasi, islamarkaana ay haatan wadaan baaris ku aadan waxa sababay falkaasi.

“Waxaana dhawac fudud soo gaadhay Banharlihii iyo qof la shaqaynayay oo xaaladooda caafimaad oo fudud lagu dabiibayo cusbitaalka guud ee hargeisa. Hadaba Ciidamada boolisku waxa Ay Baadhitaan Ku Hayaan Wixii Sababay Dhacdadii Goobtaasi ka dhacday”.

Ugu dambeyn Booliska Somaliland ayaa digniin adag u diray dadka faafinaya wararkaasi liddiga ku ah amniga magaalada Hargeysa, ayna ka qaadi doonaan tallaabo adag.

Somaliland ayaa haatan laga dareemayaa xaalad kacsanaan ah oo ka dhalatay muranka hareeyey doorashooyinka, kaas oo u dhexeeyo xisbiyada mucaaradka iyo xukuumadda.

Ad
Previous articleSoomaalida ku nool dalka Canada ayaa dalbanaya inay caddaalad hesho gabar Soomaali ah oo Shantii bishan lagu dilay magaalada Saskatoon ee dalkaasi Canada.
Next articleShiikh Usuuli oo si adag uga hadlay Dagaalka Laguula Jiro Alshabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here