Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed abaabul ka Dhan ah Alshabaab oo Ka Bilowday Shabeelada Hoose

abaabul ka Dhan ah Alshabaab oo Ka Bilowday Shabeelada Hoose

0

Qaar kamid ah gobolada dalka waxaa ka bilowday howlgalo ka dhan ah kooxda Al Shabaab , waxaana hadda la qorsheenayaa in gobolo cusub laga bilaabo howlgalada si loo wiiqo awoodda Al Shabaab.

Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Cabdicasiis Lafta-Gareen oo shalay gaaray magaalada Baraawe ayaa sheegay in gobolka Shabeelaha Hoose laga bilaabanayo howlgalo ka dhan ah kooxda Al Shabaab oo deegaano badan kaga sugan gobolkaasi.

“Gobolada Somaliya oo dhan waa laga istaagay, annagana sidaas oo kale ayaan ku baaqaynaa meel kastoo ay dadka reer Koonfur Galbeed jooggaan inay u istaaggaan, hawlgaladiina way ka bilowdeen Koonfur Galbeed, Gobolada Bakool iyo Baay-na way ka socdaan hawlgalada.” Ayuu yiri Laftagareen.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Laftagareen in Al Shabaab dhibaato ku hayaan deegaanada ay ka joogaan Koonfur Galbeed, waxa uuna xusay in looga baahan yahay reer Shabeelaha Hoose in u istaagaan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Deegaanada Koonfur Galbeed oo Al Shabaab ku leeyihiin saldhigyo waa weyn ayaan jirin ilaa hadda howlgalo ka dhan ah Al Shabaab oo ka bilowday deegaanadaasi, waxaana Madaxweynaha Koonfur Galbeed la tuhmayaa in uusan raali ka aheyn howlgal bilowday

Ad
Previous articleHeshiis Milatari oo Soomaaliya la gashay labo dal oo Afrikan ah oo la ansixiyay
Next articleSoomaalida ku nool dalka Canada ayaa dalbanaya inay caddaalad hesho gabar Soomaali ah oo Shantii bishan lagu dilay magaalada Saskatoon ee dalkaasi Canada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here