Home Wararka Somaliya Somaliland Mucaaradka Somaliland: Maanta kadib Muuse Biixi uma aqoonsanin madaxweyne

Mucaaradka Somaliland: Maanta kadib Muuse Biixi uma aqoonsanin madaxweyne

0

Kulan saacado badan qaatay oo u socday mucaaradka ayaa laga soo saaray war-saxaafadeed dheer, waxaana warbaahinta u akhriyey hoggaamiyaha Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Cirro.

Shantii sano ee xil heynta ayaa maanta u dhamaatay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, mucaaradka ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan doorasho kasta oo aan heshiis lagu ahayn.

Mucaaradka ayaa bayaankaan ku sheegay in ay diyaar u yihiin wadahadal kasta oo lagu gaarayo heshiis doorasho.

“Maanta laga bilaabo Muuse Biixi iyo xukuumadiisa uma aqoonsanin qaar sharci ku fadhiya, sii socoshada xukunkiisu waxay ku suntantahay xoog ku haysasho iyo kalidii talisnimo, inta la helayo heshiis siyaasi ah oo layska ogolyahay oo lagaga baxo khilaafka ” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cirro.

Waxa uu sheegay in axsaabta mucaaradku ay aqoonsanyihiin jadwalkii doorashada ee ay soo saareen guddida doorashooyinka Somaliland, isla markaana ay diyaar u yihiin in ay galaan doorashooyinka oo ay ugu soo horayso doorashada madaxweynaha.

Sidoo kale mucaaradka ayaa bayaankaan ku sheegay inay aqoonsanyihiin sharcinimada golayaasha sharci dajinta, dowladaha hoose iyo maamulka adeega dadweynaha.

Guddoomiye Cirro ayaa shacabka ugu baaqay in nabadda ay ilaashadaan, sidoo kale wuxuu u soo jeediyey shacabka in sharci darrada uu wado Muuse Biixi aysan aqbalin, sida uu hadalkiisa u dhigay.

Ad
Previous articleXasan oo qaabilay safiirka cusub ee Imaraadka oo farriin soo gaarsiiyey(Sawiro)
Next articleFaahfaahin Dheeri ah oo kasoo baxaysa Dil loogaystay Macalin Cabdullaahi Cabdiraxmaan