Home Wararka Maanta Waa kuma ninka Soomaaliga ah ee taariikhda cusub ka dhigay gobol ka...

Waa kuma ninka Soomaaliga ah ee taariikhda cusub ka dhigay gobol ka tirsan Mareykanka?

0

Soomaalidii ugu badnayd ayaa xilal kala duwan loogu doortay doorashadii xilliga dhexe ee todobaadkan ka dhacday Maraykanka. Waxaa Soomaalidaas oo dhalinyaro u badan kamid ah Kayse Jaamac oo loo doortay xubin kamid ah golaha senate-ka ee gobolka Oregon.

Musharraxii la tartamayay ayaa waxa uu uga guulaystay aqlabiyad ku dhaw 60%. Kayse Jaamac waa qofkii ugu horeyay ee Muslim ah, Soomaali ah isla markaana soogalooti ah ee ka mid noqda Aqalka Senat-ka gobolka Oregon.

“Dareenkeygu waa mid aad iyo aad u sarreeya waa taariikh u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, sababtoo ah waxaan noqday qofkii ugu horreeyay ee Muslim ah ama qaxooti ah ama Soomaali ah ee soo gala senat-ka Oregon,” ayuu yiri Kayse Jaamac.

Haddaba sidee ugu suurta gashay gaaridda guushan?

Kayse oo ka mid ahaa dadkii dalka Soomaaliya ka qaxay markii dagaallada sokeeye dhaceen sanadkii 1991 ayaa gobolka uu hadda ka mid noqday Aqakiisa Senate-ka wuxuu joogay muddo 22 sano ah. Wuxuuna halkaa ka aas-aasay hay’ad uu madax ka ahaa oo u doodda xuquuqda aadanaha.

Labo sano ka hor ayuu xisbiga Dimuquraaddiga ee dalka Mareykanka u magacaabay inuu ka mid noqdo aqalka senate-ka ee gobolka Oregon, iydaoo Talaadadii la soo dhaafayna ay dhacday doorashada uu ku hantiyay guusha taariikhiga ah.

Gobolka Oregon oo ah gobol ay ku yar yihiin dadka soo galootiga ayuu Kayse sheegay in ay ku garab istaageen dadka Soomaalida ah ee gobolkaasi ku dhaqan iyo kuwa gobollada kaleba. Wuxuu intaa ku daray in maadaama uu yahay qof u diyaarsan la macaamilka bulshada uu matalayo ay dadku siiyeen codkooda.

Waxyaabaha kale ee Kayse aaminsanyahay in guushiisa ay sahleen ayaa waxaa ka mid ah aragtiyada xisbigiisa dimuquraaddiga ah iyo habka ay ula xiriireen dadweynaha codka dhiibanayay oo uu ku tilmaamay kuwo aan mugdi ku jirin.

“Ninkii ila tartamayay wuxuu ka tirsanaa xisbiga Jamhuuriga, anigana waxaan ka socday xisbiag Dimuquraaddiga, marka waxa aan ku kala adkaannay waa aragtiyada iyo waxa aan dadka u qabaneyno,” ayuu yiri Kayse Jaamac oo BBC-da u warramayay.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleMuxuu yahay markabka ay saaran yihiin 800 oo qof oo qaba xanuunka Covid-19?
Next articleCiidamada Deegaanka Shabeelada Dhexe oo weerar Culus ku Qaaday Alshabaab