Home Wararka Maanta Dowladda Mareykanka oo Soomaaliya ku soo rogtay Cunaqabateyn Dhaqaale

Dowladda Mareykanka oo Soomaaliya ku soo rogtay Cunaqabateyn Dhaqaale

0

Dowladda Maraykanka ayaa ka dhabeysay Goodintii ku aadanayd inay Cunaqbatayn ku soo rogi doonaan  Dowladda Soomaaliya , kadib, Qalalaasaha Colaadeed ee ka dhashay Muddo-kordhintii labada sano ee uu Madaxweyne Farmaajo saxiixay.

Qoraal la soo dhigay Websit-ka Waaxda Maaliyadda ee Dowladda Maraykanka ayaa lagu sheegay in Somalia lagu daray Liiska Dalalka lagu soo rogay Cunaqabateynta dhinaca Dhaqaalaha ah.

Qoraalka waxaa lagu muujiyey in Liiska dalalka Cunaqabateynta la saaray Soomaaliya lagu daray uu bilaawday  talaadadii la soo dhaafay ee Todobadkaan oo ay taariikhdu ahayd 27-kii April ee sanadkan 2021-ka.

Xafiiska Waaxda Maaliyadda Maraykanka ugu qaabilsan Xakameynta Hantida Shisheeyaha ayaana inta badan soo bandhigta Liiska dalalka lagu soo rogo Cunaqabataynta Dhaqaale.

Bishan April oo keliya ilaa 5 Waddan ayey Dowladda Maraykanka ku soo rogtay Cunaqabatayntaasi, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Somalia, Syria, Sudan, Koonfurta Sudan iyo Raashiya.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleMaamulka Puntland oo Sharuud ku xiray Shir uu ku baaqay Farmaajo
Next articleXiriir Nuucee ah ayaa ka dhaxeeya hada Raisal Wasaare Rooble iyo Mudane Farmaajo