Home Wararka Somaliya Maamulka Puntland oo Sharuud ku xiray Shir uu ku baaqay Farmaajo

Maamulka Puntland oo Sharuud ku xiray Shir uu ku baaqay Farmaajo

0

Wasiirka Warfaafinta ee Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde ayaa sheegay in shirka uu Farmaajo ku baaqay aysan tegayn illaa inta ay martiqaad ka helayaan Beesha Caalamka.

Wasiirka oo la hadlay BBC-da waxaa uu sheegay in Farmaajo uusan jirin Baarlamaanka uu hortago oo Go’aan gaari karo ,,isla markaana ay yihiin kuwo laba dhinac u kala jaban oo ay kala hoggaaminayaan Maxamed Mursal iyo  Cabdi Xaashi.

” Baarlamaanka iyaga ayaaba shaci aheyn oo waqtigooda dhamaaday muddana ma kordhin karaan, iyana ma kordhisan karaan micnana ma soo kordhineyso hadii uu Madaxweynaha hortago ayuu yiri, Wasiirka Warfaafinta Puntland.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in puntland ay diyaar u tahay shirar kasta oo looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya, balse aysan tageen ilaa la helo damaanad Beesha Caalamk ah.

Hadalka Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli xalay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu sheegay in lagu laabanayo wada-hadalladii doorashada iyo heshiiskii doorashada.

Ad
Previous articleBeelo ku dagaalamay Gobolka Galgaduud oo heshiis la dhex dhigay
Next articleDowladda Mareykanka oo Soomaaliya ku soo rogtay Cunaqabateyn Dhaqaale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here