Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Dhaqaatiir ka socday dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti oo Muqdisho u yimid sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen gurmadka loo fidinayo dhaawacyada dadka ay wax yeelladu ka soo gaartay xasuuqii kooxaha khawaarijta ah ay ka geysteen isgoyska KM5 29-kii bishii hore.
Dhaqaatiirta oo gaareysa 20, ayaa intii ay ku sugnaayeen Caasimadda Muqdisho, waxa ay ka qeyb-qaateen daaweynta iyo daryeelka dhaawacyada ku jira isbitaallada Muqdisho, iyagoo gacan siinaya dhaqaatiirta Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey dhaqaatiirta, dowladda iyo guud ahaan shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti taageeradooda hagar la’aaneed ee ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed xiligan adag.
Mudane Xamse oo xusay doorkii muhiimka ahaa ee dowladda Jabuuti ay ka geysatay dowlad-dhiska Soomaaliya, ayaa ku ammaanay sida ay mar walba ugu taagan yihiin gacan qabashada ummadda Soomaaliyeed marxalad walba oo ay ku sugan yihiin.
Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar
Ciidamada Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo
Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay