Home Wararka Maanta Puntland iyo Galmudug oo gaaray heshiis ka kooban Shan qodob (Akriso Heshiiska)

Puntland iyo Galmudug oo gaaray heshiis ka kooban Shan qodob (Akriso Heshiiska)

0

Kulankaan oo looga hadlayay Xoojinta Amniga, Xasiloonida iyo wadajirka Bulshada Gobolka mudug ee Puntland iyo Galmudug ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka mudug Axmed Xuseen shire Bukhaari, Gudoomiye ku xigeenka dhanka Puntland Waloore ,Odayaasha dhaqanka iyo laamaha amniga ayaa lagu qabtay Deegaanka Laama Ari-boob ee Gobolka mudug.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka Bulshada Reer guuraaga ah iyo xal u helida deegaamaynta dhulka xoolo daaqeenka ah taas oo marar badan kusoo noqnoqday inta u dhaxaysa Deegaano horay looga heshiiyay inay xoolo Daaqeen noqdaan.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa laga soo saaray ugu dambayntii qodobo qeexaya ilaalinta Amniga.

1-Guddiga 14 xubnood ah oo dhaqan ah isla markaana xog ogaal u ahaa heshiisyadii degaanada oo ugu dambeeyay Heshiisyadii Bandiiradley iyo Goldogob.

2 in la keeno heshiisyadii la kala Qortay.

3 in todobaarkaan layskugu yimaado shir lagu dhamaystirayo hirgalinta heshiisyadii hore.

4  in dib loogu laabto heshiisyadii Bandiiradleey iyo Galdogob.

5 ilaalinta soodimaha ayna u xilsaaran yihiin Ciidamada Isku dhafka ah oo ay xoojinayaan Ciidamada Booliska Iyo Daraawiishta labada Dowlad Goboleed.

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka

Fahad Yaasiin oo Madaxweyne Xasan Shiikh ugu Baaqay inuu Dadka kala tashto Xaalada taagan

Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu la yimaado Qorshe Qaran oo looga hortagaayo

Somaliland oo ka hadashey Dekadaha ay Dowlada Somaliya ku Wareejineyso Mareykanka

Xukuumadda Somaliland ayaa warka ay qortay jariidadda Semafor, ee sheegaya in Soomaaliya ay dekedda Berbera ugu yaboohday Maraykanka, ku tilmaantay naf-lacaarinimo. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo

Madaxweyne Xasan Shiikh oo safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga, kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Madaxwaynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogaan, sida lagu sheegay
Ad
Previous articleSweden oo Xukun ku riday Haweeney Saaxiibteed ku Dishay Dubbe/Burus
Next articleGudoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo kormeeray xarunta Golaha Wakiiladda Puntland ( Sawirro)