Home Wararka Caalamka Kuuriyada Waqooyi iyo Tan Koonfureed oo markii ugu horreysay Gantaallo isu adeegsaday

Kuuriyada Waqooyi iyo Tan Koonfureed oo markii ugu horreysay Gantaallo isu adeegsaday

0

Kuuriyada Waqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa markii ugu horreysay isu adeegsaday gantaallo iyaga oo la beegsaday xeebaha labada dal.

Seoul ayaa ka jawaabtay Arbacadii saddex saacadood ka dib markii Pyongyang ay ridday gantaal ku dhacay meel 60km (37mi) u jirta magaalada koonfurta ee Sokcho.

Milateriga Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in tani ay tahay “wax aan la aqbali karin” oo lagu xad-gudbay dhulkooda.

Koonfurta Waxa ay ridday saddex gantaal oo cirka iyo dhulka ah iyada oo ka jawaabaysa, kuwaas oo ay saraakiishu sheegeen in ay ku dhaceen masaafo la mid ah khadka Waqooyiga

Kuuriyada Waqooyiga ayaa Arbacadii ugu yaraan 10 gantaal ku ridday dhanka bari iyo dhinaca galbeed , sida ay sheegeen saraakiisha Kuuriyada Koonfureed.

Waxay arrintan ku soo beegmaysaa maalin uun ka dib markii Kuuriyada Waqooyi ay ugu hanjabtay Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed dhoolatuskooda milateri ee wadajirka ahaa, iyadoo sheegtay in “Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed wajihi doonaan caqabado xun ayna la kulmi doonaan natiijadii ugu xumayd taariikhda”.

Waxaa jira walaac laga qabo in hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un uu diyaar garow ugu jiro tijaabadii ugu horeysay ee hubka Nukliyeerka ah.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Sheekh Oo Laba Qodob Oo Xasaasi Ah Kala Hadlay António Guterres
Next articleAl-Shabaab oo gaari iyo shaqaale kasoo afduubatay Gudaha Dalka Kenya