Home Wararka Maanta Ra’isul Wasaare Rooble oo Taageeray Go’aankii Galmudug iyo Hirshabelle

Ra’isul Wasaare Rooble oo Taageeray Go’aankii Galmudug iyo Hirshabelle

0

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Taageeray Go’aankii Galmudug iyo Hirshabelle.

Bismillaahi,

Markii aan tixgaliyay duruufaha Adag ee uu dalku ku jiro iyo baahida loo qabo in xal deg deg ah laga gaaro arrimaha Doorashooyinka ee cakiran.
Markii aan latashi ballaaran la sameeyay qaybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed.
Waxaan soo saaray War-murtiyeedkaan:
1- Waxaan ku celinayaa markale sida aan uga xumahay xiisadaha colaadeed ee ka jiray Magaalada Muqdisho maalmihii la soo dhaafay iyo natiijada xun ee ka dhalatay, taas oo sababtey barakaca Shacab badan oo danyar ah.
2- Waxaan soo dhawaynayaa Warmurtiyeedka ay soo saareen labada Dowlad-goboleed Hirshabelle iyo Galmudug. Dowlad-Goboleedyada Puntland, Jubaland, Koonfur Galbeed iyo Gobolka Benaadir, waxaan ka codsanayaa in ay qeyb ka qaataan geedi socodka nabada iyo dardar gelinta doorasho xor iyo xalaal ah.
3- Sida ku caddayd barnaamijkii xukuumadayda ee aan Baarlamaanka ka hor-aqriyay waxaan diyaar u ahay in aan dalka ka hirgaliyo doorashadii lagu heshiiyay 17-kii September 2020.
4- Dhammaan daneeyayaasha Doorashooyinka Dalka, waxaan ugu baaqayaa in ay u diyaar garoobaan in uu dalku aado Doorasho isla markaana la joojiyo dhaqdhaqaaq kasta oo wax u dhibaya arrimaha doorashooyinka iyo xasiloonda Dalka.
5- Ciidamada Qalabka sida waxaan farayaa in ay gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah isla markaana ay sugaan Amniga, si gaar ah waxaan taliyayaasha ciidamada u farayaa in dib loogu celiyo ciidamada xeryahooda.
6- Siyaasiyiinta Mucaaradka ah waxaan ugu baaqayaa in ay joojiyaan ficilada iyo dhaqdhaqaaqyada abuuraya Colaadda, waana in ay ku ekaadan Guryahooda iyo Goobahooda gaarka ah.
7- Doorka beesha caalamka waa muhiim, waxaan codsanayaa in ay sii wadaan taageerada ay u fidiyaan dadka iyo dowlada Soomaaliyeed.
8- Shacabka Soomaaliyeed guud ahaan waxaan ka codsanayaa in ay nagu garab istaagaan dedaalada nabadaynta iyo xasilinta Dalka iyo sidii aan si nabad ah doorasho uga hirgalin lahayn Dalka.

Wa Billaahi Towfiiq

Kulan Dhexmaray Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Dhigiisa Jabuuti Ismail:- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga

Israel oo Duqeymo ka geysatay Saldhigyo uu la Wareegayo Turkiga

Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa fuliyey in ka badan 15 duqeyn oo lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Hama, taasoo socotay xalay qiyaastii saacad iyo bar. Afhayeenka ciidamada Israa’iil ayaa sheegay

Warar laga helayo dagaal culus oo ka socda Galbeedka gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu haatan dagaal beeleed xoogan uu ka socdo inta u dhaxeysa deegaanada Jiicboor iyo Saax qurun oo dhaca Galbeedka gobolka Mudug. Dagaalkaan oo

Maamulka Koonfur Galbeed oo soo bandhigtay xubno kasoo baxsaday Kooxda Al shabaab

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Afar Xubnood oo katirsanaa Kooxda Al shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada Booliiska Gaar ahaan laanta Baarista Dembiyada CID-da ee Gobolka Bay.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay
Ad
Previous articleGalmudug iyo Hirshabelle oo ka soo Horjeestay Muddo Kororsiga Farmaajo Loo sameeyay (Akhriso)
Next articleMadaxweyne Farmaajo oo Go’aankii Galmudug iyo Hirshabelle ka dib ku dhawaaqay inuu Caawa Hadlayo