Home Wararka Maanta Muxuu sameeyay sarkaalkii NISA ee guursaday haweeney ka tirsan Al-Shabaab?

Muxuu sameeyay sarkaalkii NISA ee guursaday haweeney ka tirsan Al-Shabaab?

0

Agaasimihii hore ee hay’adda sirdoonka iyo nabad suggida Soomaaliya ee NISA ayaa markii ugu horeysay ka hadlay hawlaha NISA iyo shaqooyinkii uu kasoo qabtay, wuxuuna daabacay maqaal nuqul ka mid ah ay BBC-da heshay.

Fahad oo lagu yaqaano in uusan saxaafadda ka hadlin, kana soo muuqan sawir iyo cod toona, ayaa maqaalkan kaga sheekeeyay waxyaabihii u qabsoomay NISA tan iyo intii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu Fahad u magacaabay agaasime ku xigeenka NISA 15-kii Agoosto, 2018-kii, xilkaas oo markii dambe uga sii gudbay in uu noqday ku simaha agaasimaha NISA ee mudada dheer kadib markii Cusmaan Xuseen Cusmaan uu u tartamay madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Fahad waxa uu maqaalkiisa ku sheegay in waxa ugu weyn ee uu aaminsanyahay ay tahay ‘helidda xog sugan” iyo dhismaha hay’ad sirdoon oo yoolkeedu yahay in ay ka tartanto kuwa gobolka iyo adduunkaba, iyo sidoo kale dhismaha kalsoonida shacabka.

Inkasta oo maqaalka yahay mid aad u kooban, xogta ku jirtana ay aad u koobantahay, haddane waxaa jira meelo si aan faahfaahsanayn uu sawir uga bixinayo xogo xasaasi ah oo amniga ku saabsan, kuwaas oo quseeya tirokoobyo.

Muxuu sameeyay sarkaalkii NISA ee guursaday haweeney ka tirsan Al-Shabaab?

Meelaha qaar Fahad waxa uu soo qaatay tusaalooyin uu ku muujinayo horumarka laga sameeyay NISA, waxaana ka mid ah in la ogaaday haweenay guursatay sarkaal NISA ka tirsan, iyaduna ay tahay xubin sare oo Alshabaab ka mid ah, arrintaas oo gabbaad ahaan u adeegsan jirtay si ay u abaabusho weeraro waaweyn.

“Sarkaalkii waxaa la faray inuu caadi iska dhigo, lana noolaado, si buuxdana uu usoo wada helo xogta shabakadda ay la shaqayso. Hawlgalkaas wuxuu sahlay in lasoo qabto 12 ka tirsan Maafiyada Shabaab, oo meelo kala duwanna shaqo ka waday, waxaana loo gudbiyey baaritaan, kadibna markii lagu helay dambiyo ayay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ku ridday xukunno kala duwan” ayuu ku yiri maqaalka Fahad.

Ma uusan magacaabin haweenayda, mana uusan sheegin wixii ku dhacay markii dambe.

Sidoo kale Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa sidoo kale ka sheekeeyay haweenay da’ ah oo guri joog ah oo buuxisay shuruudihii ka mid noqoshada sirdoonka, balse markii waraaqihii shaqada laga saxiixay xafiiska ugu tagtay wiilkeeda oo ahaa sarkaalkii waraaqaha ka saxiixay, taas oo aysan iyada ogeyn, isna uusan filanaynin in hooyadiis ay isku meel ka shaqayn doonaan.

Waxa kale uu Fahad ka hadlay 8 agaasime sirdoon oo dunida meelo kala duwan ka socday oo Muqdisho soo booqday, waxaana ka mid ahaa nin uu Fahad sheegay in tabobarkii ugu horeeyay ee sirdoon ku qaatay Soomaaliya sanadihii 1970-naadkii markii NISA la asaasay , haddane isaga oo agaasime ah uu yimid dalka, islamarkaasna uu codsaday in sirdoonka dalkiisa loo tabobaro.

Ad
Previous articleUkraine oo sheegtay inay wajahayso culeyskii ugu xumaa ee Abid Soo mara
Next articleMaraykanka oo ka carooday tallaabo uu Sacuudigu qaaday, kuna hanjabay inuu dib uga fiirsan doono heshiisyadoodii hore