Home Wararka Maanta Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Oo Washington Uga Qeybgalaya Shirka IMF Iyo Bangiga Adduunka.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Oo Washington Uga Qeybgalaya Shirka IMF Iyo Bangiga Adduunka.

0

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Elmi M. Nur iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Washington DC ee dalka Mareykanka ee uu toddobaadkaan ka furmayo Shirka Sanadlaha ah ee Hey’adda Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bangiga Adduunka, iyadoo xalay uu la qaatay shirar horu-dhac ah labada hay’adood ee kor ku xusun.

Wasiir Wasiirka iyo Wafdiga Wasaaradda Maaliyadda ee la socda waxa ay ka qeyb gali doonaan shir weyn oo si gaar ah looga hadli doono arrimaha Maaliyadda Soomaaliya, dhamaystirka Barnaamijka Deyn Cafinta iyo hannaanka guud ee dib-u-habaynta dhaqaalaha Dalka.

Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda inta uu Washington joogo waxa uu kulamo guud iyo kuwo gaar gaar ah la yeelan doonaa hey’addaha dhaqaalaha caalamka, Waaxda Maaliyadda Dowladda Mareykanka iyo xubnaha kale ee muhiimka ah ee ka socda dadalka Kabka Miisaaniyadda Soomaaliya siiyo iyo kuwa kale ee Deeq-bixiyeyaasha.

Ad
Previous articleBaarlamaanada Soomaaliya iyo Turkiga oo Arrimo Muhiim ah isla meeldhigay (Sawirro)
Next articleDowladda Ingiriiska Oo kusoo biirtay Dagaalka Lagula Jiro Shabaab.