Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal wax ka badan 15 saacadood ka socday deegaanka Jicibow oo 30km dhanka waqooyi kaga beegan Degmada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan.
Dagaalkan ayaa yimid kadib markii ciidanka dowaldda oo garab ka helaya maleeshiyaadka deegaanka ee Macwuusleyda ay ka war heleen in Al-Shabaab badan oo doomo wata ay halkaas soo saldhigteen,damacooduna ahaa in ay kala gooyaan labadda magaalo ee Beledweyne iyo Buula-burde.
Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in xubnaha ka badbaaday Shabaab ay ka gudbeen dhanka Webiga iyaga oo adeegsaday Doomo, ciidamada Dowladda ayuu tilmaamay in ay ku go’doomiyeen dhul Buuraley ah oo labada dhinac ay ka fadhiyaan Askarta, Sida uu sheegay Cismaan Geedi Cilmi oo ah Guddoomiyaha Buulo-burte
“Ciidamada Dowladda Federaalka & kuwa dib u xorreynta Deegaanka ayaa wada howlgallo ka dhan ah Argagixisada, dhulka buuraha ah ayay tageen oo halkaas ay ku daweysanayaan dhaawacyadooda, Dhul buuro ah ayay dhufeys ka galeen, Ciidamadu labada dhinac ayay ka joogaan, nimankaas aaggaan kusoo duulay galbeedka ayay kasoo galeen, doon ayay wabiga uga soo gudbeen oo dhulkaas buuraha leh ayay galeen” Cismaan Geedi Cilmi.