Home Wararka Maanta Al-Shabaab oo iyana digniin culus siisay warbaahinta ka dib amarkii ka soo...

Al-Shabaab oo iyana digniin culus siisay warbaahinta ka dib amarkii ka soo baxay Dowlada er Shalay

0

Al-Shabaab ayaa jawaab adag ka bixisay amarkii kasoo baxay dowladda Somalia ee warbaahinta madaxa banaan looga mamnuucay baahinta wararka ka soo baxa kooxdaasi.

Qoraal kasoo baxay Al-Shabaab ayaa warbaahinta madaxa banaan looga digay inay fuliyaan go’aanka dowladda, waxayna ku goodisay iney beegsan doonaan warbaahin kasta oo fulisa amarkan.

“Warbaahintii ka tegta dhex-dhexaadnimada waxaan u aqoonsan doonaa inay qayb ka tahay dagaalka lagula jiro mujaahidiinta u taagan shareecada islaamka” ayaa lagu yiri bayaanka Al-shabaab

Go’aanada iska soo horjeedo ee ka soo kala baxay dowlada iyo Al-shabaab ayaasaameyn adag ku yeelan doona shaqada warbaahinta gudaha.

Dowlada Somalia ayaa dagaal dhinaca warbaahinta kula jirtay Al-shabaab saacadihii la soo dhaafay, waxaana la xiray inta badan barihii internetka ee Al-shabaab ay ku baahin jirtay wararka ay gaarsiinayaan bulshada iyo kuwa dacaayadaha ee la xiriira dagaalka

 

 

Ad