Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay caawa magacyada saraakiil iskugu jirta ajaaniib iyo Soomaali kuwaasoo ay sheegtay in Al-shabaab looga dilay dagaaladii ka dhacay gobolka Hiiraan.
Warbaahinta Ciidamada qalabka Sida oo soo xiganeysa saraakiil ka tirsan DF ayaa shaacisay magacyada qaar ka mid ah  Al-shabaab ay ku weysay howlgalada Ciidanka XDS.
Degaano dhinaca jiinka wabiga Shabeelle kaga beegan degaanka Booco oo dhawaan Al-shabaab laga saaray ayay idaacadu sheegtay in Ciidanka kumaandoska Gorgor ay ku dileen xubnaha kal ah
1-Cabdiraxmaan Giir oo magaciisa afgarashadu yahay (Digsi)
2-Maxamed Yusuf oo magaciisu afgarashadu yahay (Abuu Nucmaan) iyo
3-Nin magaciisa lagu soo koobay Abuu Yaxye oo dhalasaho ahaan ka soo jeeda dalka Koonfur Afrika
“Waxaa jira horjoogayaal kale oo maleeshiyaadka aragagixisada Al-shabaab looga dilay howgalada ka socda gobolka Hiiraan balse baaritaan iyo xaqiijin ayaan ku wadnaa” ayuu yiri Dhamme Maxamed Xirsi Taliyaha Ururka 8-aad Guutada 18-aad ee Kumaandoska Gor-gor.