Home Wararka Caalamka Xaaska Madaxweynaha Sierra Leone: “Ninkeyga wuxuu shahaadada PHD ku qaatay sida wax...

Xaaska Madaxweynaha Sierra Leone: “Ninkeyga wuxuu shahaadada PHD ku qaatay sida wax loo afgambiyo”

0

Fatima Bio, oo ah xaaska madaxweynaha Sierra Leone, Julius Maada Bio, ayaa sheegtay in seygeeda uu shahaadada PHD ku qaatay in uu wax afgembiyo isla markaana aysan jirin cid xilka ka tuuri karto.

Waxay hadalkan jeedisay ka dib dibadbaxyo rabshado watay oo 10-ka bishii August ka dhacay deegaannada ay ku xooggan yihiin mucaaradka Sierra Leone, waxaana dibadbaxyadaas ku dhintay 31 qof oo ay ku jiraan 6 boolis ah.

Madaxweynaha wuxuu ku eedeeyay mas’uuliyiinta mucaaradka inay doonayeen inay afgembiyaan kuwaas oo horkacayay dibadbaxyada looga soo horjeeday qiimaha maciisahadda oo sare u kacday.

Waxay arrintani horseeday in shaqada laga eryo saraakiisha ugu sarreysa ciidamada.

Iyadoo ka hadleysay munaasabad lacago lagu uruurinayay oo lagu qabtay dalka Mareykanka, waxay Fatima Bio ku eedeysay dad aysan magacaabin oo doonayay inay xilka ka tuuraan seygeeda.

“Maada Bio wuxuu shahaadada PHD ku qaatay afgembiga, ma isku dayi kartaan in aad xilka ka tuurtaan?”

Waxay intaa ku dartay, “Ninkan wuxuu PHD ku qaatay in uu qaado inqilaabyada, sidee ayaad xilka uga tuuri kartaan nin isagaba dadka baro qaabka loo fuliyo afgembiga?” ayay tiri xaaska Madaxweynaha Sierra Leone oo muuqaalkeeda la soo dhigay barta Facebook.

Mrs Maada Bio, waxay u muuqatay inay ka hadleysay arrinta dhabta ah in seygeeda uu awoodda la wareegay bishii April sanadkii 1992 isagoo qeyb ka ahaa dhalinyaro militeri ah kuwaas oo xilka ka tuuray dowladdii rayidka aheyd ee Madaxweynihii hore Joseph Saidu Momoh ee hoggaamin jiray xisbigii All People’s Congress.

Madaxweynaha Sierra Leone ayaa hoggaamiyeyaasha xisbigan ku eedeeyay inay ka dambeeyeen dibadbaxyadii rabshadaha watay ee dhacay bishii hore.

Madaxda xisbiga mucaaradka waxay si weyn u beeniyeen eedeymaha loo jeediyay.

Dad badan ayaa cambaareeyay hadalka kasoo baxay marwada koowaad, waxaana sidoo kale dhaleeceeyay xubno dhexdhexaad ah oo ka tirsan xisbiga talada haya ee Sierra Leone ee Sierra Leone People’s Party (SLPP).

Xaaska madaxweynaha Sierra Leone waxay si weyn uga soo muuqaata baraha Facebook iyo TikTok, waxayna marar badan jeedisay hadallo muran badan dhaliyay.

Madaxtooyada Sierra Leone wax jawaab ah kama aysan bixin hadallada ay jeedisay marwada koowaad.

 

 

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo Shaacisay Magacyada Saraakil Sarsare oo laga Dilay Alshabaab
Next articleMareykanka oo qirtay inuu dad rayid ah dil iyo dhaawac ugu geystay Somalia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here