Home Wararka Maanta Musharaf Maxamed Macalin oo Al-Shabaab Faacebook ka Dhaleeceeyey oo qarax la beegsatay

Musharaf Maxamed Macalin oo Al-Shabaab Faacebook ka Dhaleeceeyey oo qarax la beegsatay

0

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax maanta ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho, kaas oo jugtiisa laga maqlay nawaaxiga waddada mashquulka badan ee Maka Al-Mukarrama.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa in gaarigiisa loogu xiray nin lagu magacaabo Musharaf Maxamed Macalin, xilli uu marayey agagaarka isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho.

Musharaf ayaa waxaa soo gaaray dhaawac, ayada oona loola cararay mid ka mid ah isbitaallada ku yaallo magaalada Muqdisho.

Weerarka qaraxa ah ee lala beegsaday ninkan dhalinyarada ah oo sidoo kalena ah siyaasi ayaa ku soo aadayo saacado kadib, markii fariin ka dhan ah Al-Shabaab ku baahiyey bogggiisa Facebook-ga, isaga oo ku baaqay in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah kooxdaas.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka uu soo saaray, kahor inta aan lala beegsan qaraxa.

Sida dhaqanka iyo Diintuba tahay, Ninka Ragga ah, seddax lagama maro, waa; Reerkiisa, xoolihiin iyo sharaftiisa.

Qofkasta oo raalli ka noqda sii socoshada intaa, ka damqan ama aysan dhibin ugu yaraan waa duyuus aan damiir lahayn.!

Duyuusku Janno ma galo.

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleCiidamada Danab oo Gubay Gaadiid Dagaal oo Alshabaab ka Carareen(Sawiro)
Next articleGuddi taakuleeya Ciidamada Deegaanka ee ka dagaalamaya Hirshabelle oo la magacaaba