Ciidamada dowlada ayaa weerar dhowr jiho ah ku qaaday saaka degaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Gedo, kuwaasoo ay gacanta ku hayeen Al-Shabaab.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowlada ay gacantooda soo galeen degaano kala duwan, iyadoo weli uu socdo howlgalka.
Ciidamada dawladda oo ka ruqaansaday degmada Baled-xaawo ayaa qabsaday degaanka Cara-caso, iyadoo xoogagii Al-shabaab ee degaankaas ku sugnaa ay isaga baxeen
Wararka ayaa intaas ku daraya in Garbahaarrey Ciidan kasoo baxay ay ku wajahan yihiin degaanka Tuulo-barwaaqo, Sidoo kale Luuq & Buurdhuubo ayey ka baxeen ciidamada dawladda, iyagoo ku wajahan degaano ay Al-shabaab gacanta ku hayaan.
Howlgalkan ayaa qayb ka noqonaya dhaq-dhaqaaqyada ay haatan wado dowladda dhexe Soomaaliya oo kaashaneysa shacab hubeysan, kuwaasoo Al-Shabaab looga saarayo deegaanada ay kaga sugan yihiin koonfurta iyo bartamaha Somalia