Home Wararka Maanta wararkii ugu dambeeyey Ciidamo maalintii saddexaad xirtay waddooyinka Gaalkacyo

wararkii ugu dambeeyey Ciidamo maalintii saddexaad xirtay waddooyinka Gaalkacyo

0

Waxaa maalintii saddexaad xiran waddooyinka gala magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, halkaas oo ay dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabeen ciidamo careysan oo u abaabulan hab beeleed oo ku sugan halkaasi.

Ciidamada ayaa hakiyey dhammaan dhaq-dhaqaaqa waddooyinkaasi, taas oo saameyn ku yeelatay dadka safraya iyo gaadiideyda.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle TV ayaa ka warbixiyey xaaladda guud, wuxuuna sheegay in waddada ay ka xiran tahay laamiga soo aada Muqdisho iyo dhanka jidka gala Hobyo, halkaas oo ay ku xaniban yihiin gaadiid iyo dadweyne fara badan.

“Waddada laamiga ah oo Muqdisho soo aada halkaa bey ka xiran tahay, mida kale waddada aada dhanka Hobyo meel 8 KM u jira garoonka ayey ka xiran tahay,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu nasiib darro ku tilmaamay in arrintaan oo soo taagneyd maalmihii u dambeeyey, kadib ay kordheen dhaq-dhaqaaqyada ay sameynayaan ciidamadaasi.

“Saaka nasiib darro ayey ku tahay 16 sanno, kadib in la sheego in waddo go’an tahay gaadiidka oo xanibay,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka.

“Intaas oo culeys ah oo jirta  iyo waxa la raadinaayo wax isku dhigma ma’aha in waddada loo xiro xubin hebelo iyo xubin heblaa rabnaa raadineynaa munaasabad ma aha,” ayuu yiri.

Si kastaba, waxaan haatan soconaya dadaallo nabadeed oo lagu qaboojinayo xiisadda, si loo soo afjaro dhaq-dhaqaaqa ciidan iyo xiisadda ka taagan halkaasi.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleMareykanka oo la saftay Armenia eedeyn culusna u jeediyay dalka Azerbaijan
Next articleWasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya oo la Kulmay Dhaqanka Galmudug (Sawiro)