Xildhibaanada baarlamaanka federaalka ku metela gobolka Hiiraan, gaar ahaan dadkii xalay lagu laayeey duleedka Maxaas, ee beesha Xawaadle ayaa kulan deg deg ah isugu yimid, kaas oo ka dhacay magaalada Muqdisho.
Xildhibaanadaan oo dhamaantood ka soo jeeda beesha Xawaadle ayaa shirkooda kadib waxay la hadleen warbaahinta, waxayna wacad ku mareen inay ka aar-goosa doonaan Al-Shabaab, una hiili doonaan dadkooda la laayey.
Xildhibaanadaas ayaa sheegay in berri ay u safri doonaan Hiiraan, isla markaana ay hoggaami doonaan dagaal ay uga aar-gudanayaan kooxda, sidoo kalena ay gurmad deg deg ah gaasiinayaan dadka ku nool deegaanada Bari ee gobolka Hiiraan oo wajahaya cunaqabateyn adag oo Al-Shabaab uga imaaneysa.
Kooxda Al-Shabaab ayaa xalay degaan hoos taga Maxaas oo Hiiraan ka tirsan ku xasuuqday ugu yaraan 30 qof oo shacab ah, sidoo kale sideed gaari oo sahay siday ayey gubeen, waxayna ku andacoodeen inay macawiisley laayeen, gumaadkii xalay waxaa aad uga carooday dhamaan dadka Soomaaliyeed.
Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre ayaa ka mid ah siyaasiyiinta sida adag uga hadashay xasuuqii loo geystay dadka shacabka ah, isagoo dowladda ka codsaday in dadka deegaanadaas ay ku garab-siiso dagaalka ay Al-Shabaab kula jiraan.