Taliska Nabad sugida iyo Sirdoonka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Magaalada Baydhabo ku soo bandhigey 11 xubnood oo ka mid ahaa Alshabab.
Xubnahan soo goostay ayaa Al shabaab u qaabilsanaa Jabhadaha xisbada iyagoo ka soo howlgaley Gobolada Jubbooyinka, Bay, Bakool, Shabeellaha hoose, Shabeellaha dhexe, Mudug iyo Hiiraan.
Waxaya sheegeen in sababata ku kaliftey inay Al-shabaab ka soo baxaan ay tahay Dhibaatada iyo go’odoonka ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay nabad sugida Koonfur galbeed.
Dhanka kale Waxay ugu baaqeen Saaxiibadooda kale ee ku jira Alshabaab in ay isku soo dhiibaan Ciidanka Nabad sugida waxayna sheegeen in si fiican loo soo dhoweeyey.
Saraakiisha Nabad sugida iyo Sirdoonka maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in xubnahan soo goostay ay u sameyn doonaan dhaqan celin.