Home Wararka Maanta Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Taliyaasha Xooga iyo AMISOM (Sawiro)

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Taliyaasha Xooga iyo AMISOM (Sawiro)

0

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa war-bixin wadajir ah ka dhageystay Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Taliyaha Guud ee Ciidanka AMISOM.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay qiimaha ay leedahay iyadoo aynu ku jirno Maamuuska Sannad-guurada 61-aad ee ka soo wareegtay aas-aaskii CXDS in geesiyaasheenna Ciidammada Qalabka Sida ay dib u hanteen hoggaaminta howl-gallada amni ee Dalka, arrinkaas oo ka markhaati kacaya miro-dhalka qorsheyaasha Dowladda ee dib u dhiska Ciidammada Qalabka Sida iyo sida ay maanta ugu diyaarsan yihiin difaaca iyo xoreynta Dalka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage ayaa ka war-bixiyey tayada iyo awoodda ay ugu diyaarsanyihiin in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed uu hoggaamiyo hawlgallada wada-jirka ah ee lagu la dagaallamayo Cadawga Argaggixisada ah iyo cid kasta oo khalkhal galisa nabadda iyo xasilloonida Dalka.

Sidoo kale, Taliyaha Guud ee Ciidanka AMISOM Lieutenant General Diomede Ndegeya ayaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku ammaanay sida ay u wajaheen ugana adkaadeen isku daygii fashilmay ee ay Argaggixisadu dhawaan ku weerartay deegaannada Bariire iyo Awdheegle, taas oo muujisay tayada iyo diyaargarowga buuxa ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay sida ay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu kalsoon yihiin kartida iyo awoodda geesiyaasha Soomaaliyeed ee CXDS, isaga oo ku bogaadiyey sida ay naftooda ugu hurayaan difaaca dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Sidoo kale, waxaa uu Madaxweynuhu dhiirri-geliyey walaalaha AMISOM dadaalka naf-hurnimada leh ee ay ku bixiyeen nabadeynta iyo dowladnimada Soomaaliya, isaga oo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay xiriirka iyo wada shaqaynta Labada Ciidan.

Warar laga helayo dagaal culus oo ka socda Galbeedka gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu haatan dagaal beeleed xoogan uu ka socdo inta u dhaxeysa deegaanada Jiicboor iyo Saax qurun oo dhaca Galbeedka gobolka Mudug. Dagaalkaan oo

Maamulka Koonfur Galbeed oo soo bandhigtay xubno kasoo baxsaday Kooxda Al shabaab

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Afar Xubnood oo katirsanaa Kooxda Al shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada Booliiska Gaar ahaan laanta Baarista Dembiyada CID-da ee Gobolka Bay.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada
Ad
Previous articleBoliiska Soomaaliya oo Lacag ku qabtay Garoonka Aadan Cadde (Sawiro)
Next articleBanaanbax xoogan oo muqdiho ka socda