Home Wararka Somaliya Boliiska Soomaaliya oo Lacag ku qabtay Garoonka Aadan Cadde (Sawiro)

Boliiska Soomaaliya oo Lacag ku qabtay Garoonka Aadan Cadde (Sawiro)

0

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Xijaar ayaa sheegay in lacag tiro badan oo ka timid dalka Kenya lagu qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Taliyaha ayaa ku boggaadiyay Ciidamada lacagtan qabtay, isagoo tilmaamay inay baaritaan ku wadaan.

“Waxaan ku boggaadinayaa Ciidanka Booliska ee Saldhigga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo qabtay lacag tiro badan oo sharci darro dalka ku soo gashay, lana socotay diyaarad ka timid dalka Kenya”ayuu yiri Taliye Xijaar.

Lacagtan oo goordhow lagu soo bandhigay saldhigga booliska ayaa la sheegay inuu qof watay, waxaana ay u muuqatay lacag boqolaal kun oo dollar.

Ad
Previous articleShirka iskaashiga amniga Dawladaha xubnaha ka ah DFS ee Galmudug iyo Puntland ayaa maantay ka dhacay caasimadda Gobolka Mudug ee Gaalkacyo (Sawiro)
Next articleMadaxweyne Farmaajo oo la kulmay Taliyaasha Xooga iyo AMISOM (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here