Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Dabageed oo si xun u weeraray Wasiiro ka Tirsan ka tirsan...

Dabageed oo si xun u weeraray Wasiiro ka Tirsan ka tirsan Dowlada Federalka Soomaaliya

0

Madaxweyne ku xigeenka maamulka HirShabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) ayaa weerar afka ah ku qaaday siyaasiyiinta reer Hiiraan ee ka tirsan dowladda federaalka, kuwaas oo faro gelin ku haya maamulkiisa.

Dabageed ayaa sheegay in siyaasiyiintaas oo ay ku jiraan wasiirro reer Hiiraan ku metela dowladda federaalka, kuwaas oo sida uu sheegay toos ula macaamila Ugaasyada iyo odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan.

“HirShabeelle waxaa dacaayadeynaya oo meel laga geeyo la la’yahay nimankii soo dhisay, waxay nimankaasi ku doodayaan HirShabeelle ma jirto ee ugaasyada halala macaamilo, war ugaasyada qarankaa lagala macaamilaa, laakiin siyaasadda HirShabeelle anagaa hadda naloo doortay,” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle.

Sidoo kale Yuusuf Dabageed ayaa xildhibaanada dowladda federaalka ku metela HirShabeelle wuxuu ka codsaday inay ka hor yimaadaan wixii faro gelin ku ah maamulka ee siyaasiyiinta kale ay ku kacaan.

“Nimanka Xamar jooga halkaan nooguma tali karaan. Waxaan la yaabaa ninka maanta anigoo madaxdiisa ah aan ila shaqeyn ee doonaya inaan beri la shaqeeyo markii uu madax noqdo, ma dhici doonto taas, inuu iga xoog badaiyo ayaan kula shaqey karaa, kuwo wasiiro ah ayaa xitaa kacdoonka nagu wada, aniga waxay igu metelaayaan wasiirnimada, ayagana in madaxweyne ku xigeenka aan ku metelo ma rabaan,” ayuu yiri Yuusuf Dabageeed.

Sidoo kale Yuusuf ayaa siyaasiyiinta uu sheegay inay is hayaan wuxuu u soo jeediyey inay ka wadahadlaan waxa ay isku hayaan, maadaama sida uu sheegay ay isku qabiil yihiin, “War isku qabiilaan nahaye aan hoos u warano ama aan kala xoog badino,” ayuu yiri.

Baaqiisa uu xildhibaanada u diray wuxuu ku yiri, “Xildhibaanow waxaan idiin dirsanay dowladda federaalka, waxaan idiin soo xulanay inaad kuwii hore ka fiicnaatiin, Hirshabeelle inaad faro gelin ku sameysaan idiinma dirin, idinkana ogolaa meyno.”

 

 

 

 

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleImaamkii Masjidka Xaramka oo lagu riday Xukun Adag
Next articleXaliimo Yareey oo Wacdaro Ka Dhigtay Doorasho lagu Qabtay Carabta Soomaaliyana Guul usoo Hoysay(Sawiro)