Home Wararka Maanta Dhallinyaro Soomaali ah oo magaalada Minneapolis oo Beegsi lagu Bilaabay iyo Cabsi...

Dhallinyaro Soomaali ah oo magaalada Minneapolis oo Beegsi lagu Bilaabay iyo Cabsi So Wajahday Soomaalida Maraykanka

0

Waxaa dhawaan isa-soo tareysay amni-xumada laga dareemayay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee Mareykanka, gaar ahaan aagaga ay ku badan tahay Soomaalidu.

Jamaal Cusmaan oo xubin ka ah golaha deegaanka magaalada Minneapolis oo la hadlay idaacada VOA ayaa sheegay in dhacdadii ugu dambeysay ay ka dhacday agagaarka suuqa 24-ka, taasi oo lagu rasaaseeyay wiil dhalinyaro Soomaali ah.

“Arrinta dhacday waxay aheyd dad dhalinyaro ah oo hub iska wata ayaa dadka baaranaya oo dariiqa u istaagaya, Wiil Soomaali ah oo meesha marayay ayaa damcay in gaarigiisa laga xado wuxuu isku dhajiyay furihii markaasay xabado ku fureen,” ayuu yiri.

“Boolis la’aan ayaa jirta oo waxay ku mashquuleen arrimaha adag oo waqti uma hayaan inay meelihii fadhiistan.”

 

Sidoo kale waxa uu sheegay in kooxda rasaaseysay wiilka dhalinyarada Soomaaliga ah ay ahaayeen dadka madowga ah, isaga oo xusay inay jiraan mararka qaar dhalinyaro Soomaali ah oo sidan oo kale dadka dhib u gaarsiiya.

“340 Boolis ah ayaa magaalada ka tagtay oo meeshii 30-ka ama 40-ka joogi jireen hadda waxa jooga 5 ama 6 Boolis ah. Waxaa ku dadaaleyna in aan kordhino Booliska si wax looga qabto arrintaan.”

Jamaal ayaa ugu dambeyntiina wuxuu ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha Minneapolis iyo guud ahaan gobolka inay qeyb ka noqdaan dadaalada socda ee looga hortagayo falalka amni darro

 

 

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleDowlada Cusub oo Qaaday Talaabo Wanaagsan oo ay Kaga Dayatay Dowladii Farmaajo(Sawiro)
Next articleMadaxweyne Xasan Sheikh oo Warbixin ka dhageystay Hay’adaha Amniga Dalka (Sawiro)