Home Wararka Somaliya Galmudug Madaxweynaha Galmudug oo Kormeeray dhismaha Garoonka Diyaaradaha caabud-waaq

Madaxweynaha Galmudug oo Kormeeray dhismaha Garoonka Diyaaradaha caabud-waaq

0

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa soo indha-indheeyay garoonka diyaaradaha ugu wayn degmada Caabudwaaq, kaas oo loo dhisayo si heer caalami ah, gacantana ay ku hayso shirkad ku taqasustay dhismaha garoomada diyuuradaha.

Masuulka dhismaha garoonka ayaa xusay dhabbaha diyuurahadaha garoonkan, uu balac ahaan lamid tahay garoomada waa wayn ee Soomaaliya, mudo sedex bilood ahna lagu soo af meerayo dhismihiisa, sidoo kalana la filayo in ay ka soo caga dhigtaan, diyaarado heel caalami ah.

Madaxweyne Axmed Cabdi kaariye ayaa xusay in Galmudug markii ugu horeesay ay heli doonto garoon heer caalami ah, sidoo kalana ugu baaqay shacabka reer Galmudug in ay maal gashtaan, isku tashina ku dhistaan deegaanadooda.

Ad
Previous articleRaila oo qaadaya tallaabo ka dhan ah natiijada doorashadii Kenya
Next articleBoliiska Soomaaliya oo ku dhawaaqay arin Halis ah oo Shacabku ay la yaabeen