Home Wararka Maanta Banaanbaxyo waawayn oo rabshada wata oo ka socdo Somaliland

Banaanbaxyo waawayn oo rabshada wata oo ka socdo Somaliland

0

Wararka laga helayo Somaliland ayaa sheegaya in maanta deegaannada maamulkaasi ay ka billowdeen dibad-baxyo waa weyn oo ay soo abaabuleen xisbiyada mucaaradka iyo taageerayaashooda, kuwaas oo looga soo horjeedo xukuumadda uu hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Dibad-baxyada oo ah kuwa rabshada wata ayaa ka socda dhowr magaallo oo ka tirsan Somaliland, waxaana la sheegay inay sii kordhayaan dadka ka qayb-galaya dibad-baxyada.

Wararka ayaa sheegaya in xaaladdu ay faraha ka baxday, taas oo keentay in ciidamada ammaanka ay rasaas u adeegsadaan qaar ka mid ah dibad-baxayaasha, taas oo dhalisay khasaare kala duwan, walow aan la caddeyn karin tiro ahaan inta uu gaarsiisan yahay.

Dhaq-dhaqaaqyada ka billowday Somaliland ee ay hormuudka u yihiin mucaaradka ayaa looga soo horjeedaa madaxweynaha oo ay ku eedeeyeen inuu wado muddo kororsi.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacan, waxaana sidoo kale maamulka Somaliland uu hawada ka saaray khadkii Internet-ka, taas oo keentay inaan xog buuxda lag helin dibad-baxa.

Arrimahaan ayaa ku soo aadayo, ayada oo ay fashil ku soo dhammaadeen wada-hadalladii u dambeeyey ee mucaaradka iyo xukuumadda, si xal looga gaaro xiisadda ka taagan Somaliland ee ka dhalatay muranka hareeyey hannaanka doorashada ee maamulkaasi.

 

 

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleKoox ka Tirsan AlShabaab Oo Lagu Dilay Duqeyn Mareykanka Ka Fuliyay Gobolka Hiiraan
Next articleDoorashada Madaxweynaha Kenya oo weji cusub yeelatay.