Home Wararka Maanta Kenya oo fulisay Mid kamid ah Qodabadii ay Heshiiska kula gashay...

Kenya oo fulisay Mid kamid ah Qodabadii ay Heshiiska kula gashay Madaxweyne Xasan Shiikh

0

Dowladda Kenya ayaa fulisay qodob kamid ah heshiiskii ay dhawaan la saxiixatay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

Qodobka ay fulisay Kenya ayaa la ah in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee heysta baasaboorada Diplomatic iyo Service ay hadda kadib Visaha Kenya ka qaadan doonaan gudaha garoonka diyaaradaha ( On Arrival).

Warqad kasoo baxday hey’adda duulista rayidka ee dowladda Kenya ayaa diyaaradaha lagu amray inay la socdaan in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee heysta Diplomatic  ama warqad ka hesto wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya inay soo qaadi karaan maadaama loo ogolaaday inay VISAHA ka qaataan gudaha garoonka.

Tallaabada ay qaaday dowladda Kenya ayaa kusoo aadeyso xilli dowladda Soomaaliya ay fulisay heshiiskii ay Kenya la gashay ee ahaa in dib loo fasaxo ganacsiga Qaadka.

Dalka Kenya ayaa waxaa si maalin leh ah ugu safro muwaadiniin badan oo Soomaali ah waana meesha ugu badan oo ay u safraan dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa dib usoo celiyey xiriirka Soomaaliya iyo Kenya kadib muddo 5 sano ah oo uu xumaa xilligaas oo uu dalka madaxweyne ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Halkaan hoose ka akhriso warqadda kasoo baxday Kenya

Ad
Previous articleJubbaland oo cadeysay Mowqifkeeda ku aadan Xukuumadda cusub
Next articleHaweenay Soomaali ah oo Kenya ay ku xukuntay 20 sano oo xabsi ah