Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo War ka soo saartay booqashadii Xassan Shiikh ee ciidankii...

Dowlada Soomaaliya oo War ka soo saartay booqashadii Xassan Shiikh ee ciidankii ku maqnaa ErItreya

0

WAR-SAXAAFADEED VILLA SOMALIA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki ayaa kormeeray cutubyada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee tababbarka u jooga dalkaas.

Madaxweynaha ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyadan oo si gaar ah loo tababbaray, waxa uuna u kuur-galay xaaladdooda nololeed, isagoona warbixinno ka dhageystay qaar ka mid ah saraakiisha iyo askarta oo Madaxweyne Xasan Sheekh uga mahadceliyay booqashada uu ugu yimid.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo la hadlay ciidamada ayaa uga warbixiyey qorshaha dowladda ee sugidda amniga guud ee dalka iyo  xoreynta deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisada Al-shabaab, kuwaas oo cadow ku ah horumarka iyo dowladnimada shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyey fulinta ballan-qaadkiisii ku aaddanaa soocelinta ciidanka Soomaaliyeed ee ku sugan Ereteriya, isaga oo  xusay sida shacabka Soomaaliyeed ay ugu farxayaan cududdooda halka ay cadawga argagaxisaduna ka naxayaan muuqooda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale Dowladda Ereteriya uga mahadceliyay tababbarka ciidamadan oo qayb ka qaadan doona xasilinta Soomaaliya.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo dhiggiisa dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki ayaa booqday goobo ku yaalla dalkaas oo ay ka socdaan mashaariic horumarineed.

 

 

Ad
Previous articleWaalidiin Badan oo Wiilashoodii ku maqnaa Eritrea oo Fariin U Diray Madaxweyne Xasan Shiikh
Next articleCiidamo Kasoo Horjeeda Laftagreen oo Durbaba La Sameeyey Amar Culusna soo Saray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here