Home Wararka Maanta Waalidiin Badan oo Wiilashoodii ku maqnaa Eritrea oo Fariin U Diray Madaxweyne...

Waalidiin Badan oo Wiilashoodii ku maqnaa Eritrea oo Fariin U Diray Madaxweyne Xasan Shiikh

0

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho ku tagay dalka Eritrea, waxa uuna dalkaasi u tagay sidii uu ugu kuurgali lahaa nolosha dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed oo dalkaasi tababar loogu qaaday.

Xasan Sheekh oo tagay xero ciidan ayaa lasoo kulmay qaar badan oo kamid ah dhallinyaradii tababarka loo geeyay dalka Eritrea, waxaana dhallinyaradaasi qaarkood ka muuqatay diif xoogan.

Sawirro iyo muuqaalo laga soo qaaday qaar kamid ah dhallinyaradaasi ayaa waxaa wajiyadooda aqoonsaday waalidiintooda iyo ehelkooda oo warkooda la’aa, waxaana jira waalidiin badan oo farxad la ilmeeyay markii indhaha saareen wiilashooda.

Waalidiintan ayaana uga mahadceliyay Madaxweyne Xasan Sheekh dedaalka uu ugu jiro sidii wiilashaasi dalkooda dib loogu soo celin lahaa, waxa ayna mar kale ka codsadeen Madaxweynaha in deg deg wiilashooda ugu soo celiyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyey fulinta ballan-qaadkiisii ku aaddanaa soocelinta ciidanka Soomaaliyeed ee ku sugan Ereteriya, isaga oo  xusay sida shacabka Soomaaliyeed ay ugu farxayaan cududdooda halka ay cadawga argagaxisaduna ka naxayaan muuqooda.

 

 

Ad
Previous articleSawirada Ciidamadii Erateria oo la helay iyo Madaxweyne Xasan Sheikh oo booqday
Next articleDowlada Soomaaliya oo War ka soo saartay booqashadii Xassan Shiikh ee ciidankii ku maqnaa ErItreya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here