Home Wararka Maanta Faah Faahin ku saabsan Qarax ka dhacay Muqdisho

Faah Faahin ku saabsan Qarax ka dhacay Muqdisho

0

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka Warshada Xeyle Bariise ee Magaalada Muqdisho, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa ayaa waxaa la sheegay in lala eegtay Gaari Kaarib ah oo ay wateen Ciidamo ka tirsan kuwa ilaalada wadooyinka ee loo yaqaano Taraafikada ee ka howlgalayay degmada Hurwaa ee Gobolka Banaadir.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa uu ku dhintay wadihii Gaariga halka ay ku dhaawacmeen Saddex qof oo kala ah laba Askari iyo qof Shacab ah oo wadada marayay.

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo goobta ka qaaday meydka askariga dhintay iyo kuwa dhaawaca ah.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Booliska ay sameeyeen howlgallo ay ku badi goobayaan dadkii ka dambeeyay qaraxa wallow aysan ku guuleysan.

Laamaha Ammaanka dowladda Soomaaliya iyo Maamulka degmada Hiliwaa weli wax faah faahin ah kama bixin qaraxaas, balse Al-Shabaab ayaa Warar ay ku daabaceen Baraha Internet-ka waxa ay ku sheegteen mas’uuliyada qaraxa.

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleDowladda Soomaaliya oo Dacwad u Gudbisay Golaha Amaanka ee QM (Akhriso)
Next articleBoliiska Soomaaliya ayaa Faah faahiyay Qarax ismiidaamin ahaa oo ka dhacay Baydhabo