Home Wararka Somaliya Boliiska Soomaaliya ayaa Faah faahiyay Qarax ismiidaamin ahaa oo ka dhacay Baydhabo

Boliiska Soomaaliya ayaa Faah faahiyay Qarax ismiidaamin ahaa oo ka dhacay Baydhabo

0

Taliska Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay Qarax Is-miidaamin ah oo barqanimadii Maanta ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Qoraal uu soo saaray Afhayeenka Ciidanka Booliska Sadiiq Aadan Doodishe ayaa waxaa uu ku sheegay in qaraxa uu fuliyay qof isku soo xiray Jaakad waxyaabaha qarxa ah, uuna isku qarxiyay Maqaayad shaaxa laga cabo oo ku taalla Baydhabo.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxaas dhacay, isla markaana waxaa lala eegtay Guddoomiyaha Gobolka Baay Cali Wardheere Cabdiraxmaan oo fadhiyay Maqaayada iyo dad kale oo shacab ah.

Afhayeen Sadiiq Aadan ayaa waxaa uu shaaciyay in ugu yaraan qaraxa ay ku dhinteen laba qof oo shacab ah, halka 5 qof kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo la geeyay Xarumo Caafimaad, uuna ka badbaaday Guddoomiye Cali Wardheere.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Maamulka Koonfur Galbeed ayaa tegay aaga uu qaraxu ka dhacay, isla markaana xiray halkaas, iyagoona sameeyay baaritaano ku aadan qaraxaas oo sidoo kale geystay burbur hantiyadeed.

Si kastaba Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa horey uga dhacaya qaraxyo Is-miidaamin ah, waxaana inta badan Mas’uuliyada qaraxyadaas dhacay sheegtay dagaalamayaasha Al-shabaab.

Ad
Previous articleFaah Faahin ku saabsan Qarax ka dhacay Muqdisho
Next articleismaaciil Cumar Geelle oo Markii 5aad Loo Doortay Madaxweynaha Dalka Jabuuti

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here