Cabdirisaaq Maxamed Xaaji Macamuud oo loo yaqaan Cabdirisaaq Eritrea, waxa uu ka mid yahay saraakiisha aadka ugu dhawaa agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, waxa uuna si gaar ah loogu xilsaaray dhalinyarada loo qaaday dalka Eritrea.
Cabdirisaaq Eritrea, ayaa gacanta ku haayay Malafka ciidamada tababarka loogu qaaday Eritrea, waxa uuna maanta raacay madaxweyne Xassan Sheekh maadaama uu gacanta ku haayo liiska dhalinyarada loo qaaday Eritrea.
Sarkaalkan, ayaa dhowr jeer waxa uu shirar si gaar ah looga hadlaayay qorshaha howlgal ee ciidanka Eritrea waxa uu kala hadlay saraakiil ay arintaas khuseesay..
Ad