Home Wararka Maanta Dowladda Soomaaliya oo Dacwad u Gudbisay Golaha Amaanka ee QM (Akhriso)

Dowladda Soomaaliya oo Dacwad u Gudbisay Golaha Amaanka ee QM (Akhriso)

0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa warqad u dirtay Madaxweynaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee xilka ka degaysa Linda Thomas-Greenfield taas oo jawaab u ah hadal ay March 31 ay Golaha ka sheegtay.

Warqadda waxaa lagu xusay in Soomaaliya ay wajahayso caqabado doorasho, balse lagu rajo weyn yahay in laga gudbo ayadoo loo marayo wada hadal.

Warqadda waxaa lagu xusay in xasilooni siyaasadeed ay muhiim tahay, sidoo kale in doorasho loo dhan yahay iyo tanaasulna laga ma maarmaan yihiin.

Dowladdu waxay warqadda ku xustay saddex qodob :

1- Doorashadu in ay tahay arrin Soomaaliyeed, oo Soomaali dhex taalla, Golaha Ammaankuna uu taageero madax-bannaanida Soomaaliya, wadajirkeeda, iyo in shuruucda caalamiga ah ee qaba in aan la soo fara gelin la ixtiraamo.

2- Dowladdu in heshiiskii 17 September iyo Heshiiskii Baydhabo ay u aragto asaaska doorashada, ayna ogoshahay shuruud la’aan.

3- Cabashada ammaanka doorashada si loo xalliyo, dowladdu waxay xaqiijinaysaa in Guddiga Amniga Doorashada Qaranka uu hoggaankeeda qaban doonno Ra’iisul Wasaaraha, kaas oo la wareegi doona xalka arrimaha amniga.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleUrurada Bulshada Rayadka oo Walaac ka Muujiyay Fashilkii ku yimid Shirkii Afisyooni
Next articleFaah Faahin ku saabsan Qarax ka dhacay Muqdisho