Home Wararka Somaliya Puntland Madaxweyne Deni oo oo cadeeyey Mowqifkiisa ku aadan Xukuumada Cusub ee uu...

Madaxweyne Deni oo oo cadeeyey Mowqifkiisa ku aadan Xukuumada Cusub ee uu hogaaminaayo Raysulwasaare Xamse

0

Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa yaboohay inuu si buuxda ula shaqeyn doono dowladda madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Deni ayaa hadalkan xalay ka sheegay xarunta madaxtooyada Puntland oo uu kaga qeybgalay munaasabadda 1-da Luulyo ee lagu xusayo sannad guuradii 62-aad ee kasoo wareegatay markii ay xorriyada qaateen gobollada Koonfureed ee dalkeena, midowgii Waqooyi iyo Koonfur iyo curashadii Jamhuuriyadda Soomaaliya 1-dii Luulyo 1960-kii.

Deni ayaa khudbad uu halkaas ka jeediyey kusoo hadal-qaadey isbadalka ka dhacay dalka ee heer federaal, oo uu kamid ahaa musharaxiintii isu soo taagtey xilka madaxweynaha Soomaaliya, balse looga guuleystay.

Deni, oo isku dayaya inuu meesha ka saaro hadal-hayn jirtay maalmahan oo aheyd inuu ka careysan yahay in isaga iyo Puntland-ba la dhaafiyey jagada ra’iisul wasaaraha, ayaa si cad u ballan-qaadey in uu la shaqeyn doono ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, kaasi oo la filayo in dhowaan uu soo dhiso gole wasiiro.

“Waxaan caddayanaya in aan la shaqaynayo madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha federaalka, dowladda Muqdisho,” ayuu carabka ku adkeeyay madaxwayne Saciid Deni.

Deni, oo ka mid ahaa musharaxiintii taageeray Xasan Sheekh wareeggii ugu dambeeyey doorashada madaxweynaha, ayaa la rumeysan yahay inuu kula ballamay in la siiyo xilka ra’iisul wasaaraha ama ugu yaraan la tashi laga geliyo qofka noqonaya, lagana keeno Puntland.

Hase yeeshee, kooxda ololaha Xasan Sheekh ayaa kahor inta aan la magacaabin ra’iisul wasaaraha waxay sheegeen inaanu jirin ballan-qaad qayaxan oo noocaas ah oo madaxweynaha uu sameeyey.

Ugu dambeyn, madaxweynaha ayaa doortay inuu xilka ra’iisul wasaaraha siiyo beesha Ogaadeen oo weligeed aan soo qaban, wuxuuna magacaabay Xamza Cabdi Barre oo ku dhowaad 20 sano ay is yaqaanaan, kana tirsana xisbigiisa UPD.

Xamza ayaa dhankiisana ballan-qaadey inuu soo magacaabi doono gole wasiiro oo ay ku badan yihiin mudaneyaal ka tirsan golaha shacabka, taasi oo loo arko isku-day uu kusoo jiidanayo codka xildhibaanada oo ay qasab tahay inay ansixiyaan golaha wasiirada. 

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan oo ubax dhigay Taalada Daljirka Dahsoon (Sawiro)
Next articleSiyaasigan ayaa sheegay haddii madaxweyne loo doorto in uu Soomaalida ku abaal-marinayo inay qaataan caasimadda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here