Home Wararka Maanta Boqorka Malaysia ayaa yiri: Waxaan ka baqayaa anniga oo aan tegin Somalia...

Boqorka Malaysia ayaa yiri: Waxaan ka baqayaa anniga oo aan tegin Somalia inaan dhinto

0

Soomaaliya iyo Malaysia oo dhacda koonfur bari ee Aasiya ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir diblomaasiyadeed oo xoogan, iyada oo labada dal ay lee yihiin iskaashi dhinacyo kala duwan leh oo ay ugu muhiimsan tahay waxbarashada.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kuala Lumpur, Abuukar Cabdi Cismaan (Mardaadi) oo xalay magaalada Muqdisho uga qayb-galay munaasabad lagu soo dhaweynayey ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa ka hadlay xiriirka labada wadan, wuxuuna sheegay shacabka iyo dowladda Malaysia ay aad u jecel yihiin Soomaaliya.

“Dowladda Malaysia aad ayey ula socotaa arrimaha Soomaaliya, weliba waxa ay u hayaan kalgaceel gaar ah wanaag, xushmad iyo qadarin gooni ah,” ayuu yiri danjire Mardaadi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ay jeceyl yihiin in mar uun ay yimaadaan Soomaaliya “Waxaa marwalba niyadooda ay ku hayaan goormaan Somalia tageynaa?” ayuu raaciyey.

Safiirka Soomaaliya ee wadanka Malaysia ayaa sidoo kale ka sheekeeyey sheeko dhex-martay isaga iyo boqorka dalkaasi mar uu kala qayb-galay xaflad Afur ah.

“Habeen xaflad afur ah annaga oo wada joogno boqorka wuxuu ii sheegay aniga waayeel ayaan ahay cumri ayaan joogaa wuxuu yiri waxaan rabaa inta aan anniga xilka ka tegin, mise aan dhimanin inaan Soomaaliya mar tego, intaas ayey ka taagan yihiin madaxda Malaysia,” ayuu markale khudbaddiisa ku yiri Abuukar Cabdi Cismaan (Mardaadi).

 

 

Ad
Previous articleBaarlamaanka Oo Maalintii 3-Aad Dood Adag Ka Yeelanayo Miisaaniyadda 2022
Next articleCali Cabdirisaaq Maxamuud oo Maalmo kadib meydkiisa Saakay Lahelay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here