Home Wararka Maanta Ciidanka la magac baxay “Guutada Soomaalida” ee Ukraine oo dagaal hor leh...

Ciidanka la magac baxay “Guutada Soomaalida” ee Ukraine oo dagaal hor leh billaabay.

0

Kooxda la magac baxay “Guutada Soomaalida” ee u dagaallanta gobolka gooni u goosadka doonaya ee kraine, DPR, ayaa howlgalladooda sii wada, sida lagu arkayo muuqaal uu shaaciyay bogga telefishinka Ruptly.

Muuqaalkan oo la faafinayay maalmihii lasoo dhaafay ayaa si toos ah loogu daawanayaa Dagaalyahannada “Guutada Soomaalida” oo howlgal ku jira iyagoo adeegsanaya taangi.

Ciidankan iyo taangigooda ayaa lagu arkay meel u dhow magaalada Avdeyevka, xilli ay ridayeen gantaallo kaddibna dib u cabbaynayeen qoriga taangigooda.

Bartilmaameedka ayaa ahaa warshad alwaaxyada lagu sameeyo oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda Ukraine, sida uu sheegay taliyaha guutada howlgalka samaynaynaysay oo muuqalaka ka hadlay.

Qaybta hore ee muuqaalka ayaa lagu billaabay taangi istaagaya booska uu gantaalka ka ridi lahaa, kaddibna waxaa ku xiga riditaanka gantaalka.

“Meesha aan tooganayno waxay ahayd mid masaafe dheer jira, oo dhan ilaa toddobo kiiloomitir,” ayuu yiri taliyaha.

Hase yeeshee taangiga ayaa islamarkiiba booskii laga kaxeeyay iyadoo laga ilaalinayo bartilmaameedka hoobiyeyaal ay kusoo beegsanayaan “cadowga” sida uu abaanduulaha kooxdan sheegay.

Waxa uu intaas ku daray in ay waddada tahay meesha ugu fiican ee wax laga shiishi karo.

“Waxaan go’aansannay inaan bannaanka furan wax ka tooganno, laakiin waan haleelnaa bartilmaameedka,” ayuu yiri

Ruushka ayaa dagaal ku qaaday Ukraine dabayaaqadii bishii February ee sanadkan, waxaana dagaalkaas qayb ka ah dagaalyahanno calooshood u shaqaystayaal ah oo la kala safan labada dhinac.

Ilaa haddase “guutada Soomaalida” ayaa u muuqda kuwa ugu magaca wayn uguna awoodda badan, inkastoo ay dhammaantood yihiin dagaalyahanno kasoo jeeda gobollada madaxbannaanida raadinaya ee Ukraine, kuwaasoo taageero ka haysta xukuumadda Moscow,

War kasoo baxay taliska sirdoonka Ruushka ayaa maanta lagu sheegay in dagaalka Ukraine ay ku guulaysan doonaan ka hor inta uusan dhammaanin sanadkan 2022-ka.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleGolaha Aqalka Sare oo Maantay Dooetay 8 Guddi ansixiyayna
Next articleGalmudug oo war soo saartay Kuna amartay Shaqaalaheeda