Home Wararka Maanta Deg Deg Alshabaab oo si Xoog ah kula wareegay isbitaalka Ceelbuur

Deg Deg Alshabaab oo si Xoog ah kula wareegay isbitaalka Ceelbuur

0
Wararka ka imaanaya degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaalamayaasha Al-shabaab si xoog ah kula wareegtay maamulka Isbitaalka guud ee degmada Ceelbuur, halkaas oo ay dhigeen dhaawacyo aad u badan oo dagaalyahano ka tirsan Shabaab ka soo gaaray dagaalkii dhawaan ka dhacay deegaanka Baxdo.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka Ceelbuur oo codsaday in magacyadooda la adeegsan ayaa warbaahinta u sheegay in degmadaas la geeyey meydadka 37 ka mid ah dagaalyahanadii weerarka ku qaaday deegaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud Jimcihii lasoo dhaafay.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in dadkii kale ee bukaanada ahaa laga saaray gudaha Isbitaalka guud ee degmada Ceelbuur, waxaana la sheegay in dadka deegaanka amar lagu siiyay inay u soo dhawaan isbitaalka, lama oga tirada rasmiga ah ee dhaawacyada Al-shabaab ay dhigeen Isbitaalka degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Isbitaalka degmada Ceelbuur oo aan horay u shaqey jirin ayaa dhowaan waxaa dib u howl geliyey dadka deegaanka oo isku tashaday, hayeeshee Al-shabaab ayaa hadda la wareegtay gacan ku heynta maamulka Isbitaalka degmadaasi.

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleCabdiraxmaan Cabdishakuur oo gaaray Gobolka Gedo
Next articleSoomaaliya oo markii ugu horreysay ku biirtay nidaamka caalamiga ee xogta Sanduuqa IMF