Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Md. Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa hadda gaaray magaalada Buulo burte ee gobolka Hiiraan.
Ergeyga waxaa safarka ku wehliyey xubna ka socday hay’adda cuntada adduunka ee loo yaqaanno WFP, waxa uuna u jeedka safarkani yahay u kuur gelidda xaaladda abaaraha iyo nolosha danyarta abaaruhu ay saameeyeen.
Waa Magaalo go’doonsan Buulo-Burte, waana magaaladda uu ku dhashay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, waa sida uu uga warramay waraysiyo hore oo laga qaaday!
Ad