Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Shiikh oo Bilaabay inuu Xilal Sare u magacaabo Madaxda...

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Bilaabay inuu Xilal Sare u magacaabo Madaxda Mucaaradka iyo Sh Sharif oo Xil loo Magacaabay

0

Xog aan henay  ayaa sheegeysa in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu xil sare u magacaabi doono madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Ilo-wareedyo ko dhow madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mudug24 u sheegay in Sheekh Shariif u magacaabi doono wakiilka gaarka ah ee “dib u heshiisiinta qaran iyo wada-hadallada Somaliland.”

Arrimaha ugu weyn ee loo magacaabayo Shariifka ayaa qeyb ka ah inuu dowladda federaalka wakiil ugu noqdo wada hadallada Somaliland oo dowladda cusub madaxweynaheeda u qorsheysan in lasoo celiyo.

Waxaa sidoo kale qeyb ka ah hagaajinta xiriirka maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka oo shantii sano lasoo dhaafay aad u xumaa, ayada oo Xasan Sheekh uu doonayo inuu xiriirkooda hagaajiyo lana yeesho macaamil wanaagsan.

Xasan Sheekh oo markii uu Isniintii xafiiska la wareegay billaabay magacaabis iyo inuu beddalo agaasinkii Villa Somalia ayaa wuxuu horey ugu magacaabay Cabdiaxmaan Cabdishakuur Warsame inuu noqdo ergayga gaarka ah madaxweynaha u qaabilsan arrimaha gurmadka abaaraha Somalia.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleWaa kuma ninka dhalinyarada ah ee 21 qof ku dilay Maraykanka?
Next articleCiidmada Ahlusuna oo Waaran Culus loo Jaray Xili wali Lagu Raad joogo