Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Shiikh oo Wada Hadal La Yeeshay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee...

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Wada Hadal La Yeeshay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Dowladda Maraykanka

0

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka talefoonka wadahadal kula yeeshay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Dowladda Maraykanka, Mudane Antony Blinken

Warbaahinta dowlada ayaa sheegtay in labada masuul ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Labada Dal.

“Madaxweynaha ayaa dowladda Maraykanka uga mahad celiyey taageerada ay u fidiso dowladda Federaalka Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo lagu daabacay warbaahinta DF.

Ma jirto faahfaahin intaas ka badan oo laga helay kulankaas hase ahaatee Mareykanka ayaa soo dhoweeyey doorashada Madaxweynaha cusub ee Somalia Xassan Shiikh Maxamuud iyagoo sheegay iney sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan dowlada.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa todobaadkii hore saxiixay amar boqolaal askari oo Mareykan ah dib loogu celinayo Soomaaliya, si ay uga hortagaan kooxda Al-Shabaab  kaddib markii horaantii sanadkii 2021 uu Madaxweynihii hore ee dalkaas Donald Trump ka saaray Ciidamadii Mareykanka ee howlgalayay Soomaaliya

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleKismaayo oo lagu Xiray Nin ku Baafiyay Tiktok-ga Warar been abuur ah
Next articleTaagerayaasha Farmaajo oo la Yimid Qorshe Yaab leh(Xog)